DaawoVideo:- nin Soomaali ah oo toogasho ku dilay 3 qofood oo ka mid ahaa shaqaalihiisa xarun caafimaadka!!

DaawoVideo:- nin Soomaali ah oo toogasho ku dilay 3 qofood oo ka mid ahaa shaqaalihiisa xarun caafimaadka!!

daajis.com:-Muuqaalka sida uu nin Soomaali ah uu toogasho ugu dilay 3 qofood oo ka mid ahaa shaqaalihiisa xarun caafimaad oo ku taala dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu markii ugu horeysay uu soo shaac baxay 


Ninkaan Soomaali ah oo magaciisa la orn jirey Axmed Dirir oo 59 sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu ku dilay dalkaas Mareykanka 3 qofood oo nin iyo haweeney ay Soomaali ahaayeen iyo haweeney ahayd Mareykan ka dinbna uu asaga uu halkaas isku dilay oo uu nafta iska qaaday. Muuqaalkaan cusub ee shaac baxay ayaa waxaa ka muuqda daqiiqadihii ugu dambeeyey noloshoodadadkii uu xasuuqay ninkaas iyo sida uu ninkaas iyo shaqaalihiisa uu maalintaas u dhex marey muran iyadoona intaas ka dib la arkaaya rasaasta oo ka dhacaysa gudaha xaruntaas, Dilkaan oo ka dhacay 13kii bishii Juun ee sanadkaan magaalada St. Louis, Missouri ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in nin Soomaali ah oo la sheegay inuu ahaa milkiilaha xarunta caafimaadka oo lagu magacaabo AK Home Health Care uu muran soo kala dhexgalay ka dib asaga iyo shaqaalihiisa uu 3 ka mid ahaa shaqaalihiisa uu toogasho ku dilay ka dibna uu asagana halkaas isku toogtay oo uu is dilay, ninkaan falkaas geystaya ayaa waxay booliisku ay magaciisa lagu sheegay Axmed Dirir oo 59 sano jir ahaa ayadoona dadka uu dilay lagu kala sheegay magacyadooda Khadra Muuse oo 44 sano jir ahayd, Saciid Cabdulla oo 29 jir ahaa iyo Bernice Solomon-Redd oo 54 sano jir ahayd ay ahaayeen shaqaalaha xaruntaas caafimaadka. 

Ugu dambenyntiina iyadoo sida la sheegay uu muranka soo dhexgalay ninkaas gacan ku dhiiglaha ah iyo shaqaalihiis la sheegay inuu salka ku haayey ka dib marrkii shaqaalahaasi oo la sheegay inay qaraabo dhow ahaayeen gacan ku dhiiglaha ay iskood xarun kale oo gancsi ay furteen asagana ay ka reebeen arintaas oo keentay inuu ninkaasi uu ka caroodo, Jesse Redd oo ah ninka qabey haweeneyda Mareykanka oo uu dilay ninkaas Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay inay maalintaas ay u ahayd maalin madoow oo murugo leh asagoona intaas raaciyey inuu warkaas k maqlay telefishinka. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada