Maamulka G/Banaadir oo bilaabay dhaqaalo u ururin dadkii duufaanta ku waxyeeleysay Puntland +SAWIRRO

Maamulka G/Banaadir oo bilaabay dhaqaalo u ururin dadkii duufaanta ku waxyeeleysay Puntland +SAWIRRO

daajis.com:-Kulan aan caadi aheyn oo ay maanta ay isugu yimaadeen dhamaan guddoomiye yaasha dagmooyinka gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dhexe maamulka Gobolka Banaadir.


Shirkan oo ahaa mid dag dag ah islamarkaana aan caadi aheyn ayaa lagu gorfeeynayay xaaladaha Bani Aadamino ee musiibooyinka ka kala dhacay gobolada Shabeeleha Dhexe iyo gobolka Bari, halkaasoo ay tiro muwaadiniin Soomaaliyeed  ku nafwaayeen, ka gadaal markii ay halakeeyeen Fatahaado, colaado iyo Duufaano.

Fadhiga aan caadiga aheyn oo ay maanta isugu imaadeen masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir iyo dhamaan guddoomiye yaasha dagmooyinka Muqdisho ayaa waxa ay ku muujiyeen sida ay ula qeybsanayaan shacabka Muqdisho ku dhaqan xanuunka iyo dhibka gaaray shacabka walaalahood ah ee ku dhaqan gobolada ay musiibooyinka ku dhufteen ee Shabeelaha Dhexe iyo Bari-Puntland.

Waxaana duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir cod dheer ugu baaqay dhamaan masuuliyiinta iyo shacabka magaalada Muqdisho iney si aan kala har laheyn ugu soo gurmadaan walaalhood ku dhibaateysan gobolada aan sare ku soo xusnay.

“Shacabka Muqdisho ku dhaqan waxaa laga rabaa ineey ugurmadaan walaalahood gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Bari-Puntlanad ineysan ukala harin, ugurmashada iyo taakuleynta, sidii sanadkii 2006- ay ugu gurmadeen gobolada koonfur gaar ahaan Gedo, musiibooyinki abaareed ee ka dhacay” ayuu yiri mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Duqa Muqdisho ayaa gaba gabadii kulankaasi sheegay iney maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka magaalada Muqdisho ay bilaabi doonaan olole socon doona muddo usuuc ah kaasoo lagu aruurinayo kaalmo kasta oo la gaarsiin karo shacabka walaalaheen ah musiibooyinka duufaanta iyo fatahaadaha colaadaha sokeeye wata, ay ku qabsadeen gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Puntland.

Waxaana la filayaa in dadka Muqdisho ku dhaqan oo aan u kala harin ay bilaabaan olole gargaar loogu aruurinayo shacabka ay dhibaatada ka soo gaartay masiibooyinka gobolada dalka qaarkood ka dhacaya, iyadoona durba la arkayay masaajidyada waa weyn ee Muqdisho ku yaala oo laga iclaaminayo kaalmo dag dag ah oo dagmo kasta ay gaarkeed usoo uruuriso la isugu keeno xarunta gobolka Banaadir si loo gaarsiiyo walaalaha musiibooyinka Duufaanta iyo fatahaadaha ku qabsadeen gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Puntland.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee shacabka reer Muqdisho ay dhaxda u xirtaan u gargaarida walaalahood ku dhibaateysan qeybo ka mida gobolada dalka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada