Mareykanka oo Madaxweyne Garguurte kula taliyay iscasilaad+cashadiisii oo baartay+Xildhibaano Mudulood+Sababta Khilaafka?

Mareykanka oo Madaxweyne Garguurte kula taliyay iscasilaad+cashadiisii oo baartay+Xildhibaano Mudulood+Sababta Khilaafka?

daajis.com:-Dowladda Mareykanka ayaa Madaxweynaha Somalia Hassan Mohamud Alasow ku canaanatay inuu taladii dalka gacanta u geliyay urur diimeedka Damu Jadiid halkii looga fadhiyay inuu xooga saaro la dagaalanka argagixisada,taabagelinta dimoqoraadiyada iyo hanaanka Xisbiyada badan.

Dhambaal Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka  u dirtay Madaxweyne Garguurte ayey kula talisay inuu khilaafka isaga iyo Ra’isulwasare Saacid ku xaliyo laba todobaad gudahood ,hadii kalena xilka iska casilo.

Dowladda Mareykanka waxay Madaxweynaha Somalia u sheegtay inay amaankiisa damaanad qaadeyso hadii uu go-aansado inuu qaato go-aan geesinimo oo iscasilaada.


Lama ogga go-aanka uu Madaxweyne Garguurte qaadan doono Sirdoonka Ethiopia ayaa aad uga carooday xulufadda Damu Jadiid oo Isbaheysi xoogan la yeeshay Dowladda Ereteria ,iyadoo Villa Somalia laga hoowlgeliyay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ahmed Xasharo,Jamac Cali Jamac iyo Sakariye Haji Mohamud Abdi.

Arrimaha ugu weyn ee sababay khilaafka Madaxweyne Garguurte iyo Ra’isulwasare Saacid waxaa ka mida inuu jaro xiriirka Ethiopia uu la leeyahay Saacid iyo inuu diiday wax ka bedelida dastuurka federalka Somalia si xulufada Damu Jadiid u hesho waqti ay ku suta dheereeysato.


Lama ogga go-aanka uu Madaxweyne Garguurte qaadan doono Sirdoonka Ethiopia ayaa aad uga carooday xulufadda Damu Jadiid oo Isbaheysi xoogan la yeeshay Dowladda Ereteria ,iyadoo Villa Somalia laga hoowlgeliyay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ahmed Xasharo,Jamac Cali Jamac iyo Sakariye Haji Mohamud Abdi.

Arrimaha ugu weyn ee sababay khilaafka Madaxweyne Garguurte iyo Ra’isulwasare Saacid waxaa ka mida inuu jaro xiriirka Ethiopia uu la leeyahay Saacid iyo inuu diiday wax ka bedelida dastuurka federalka Somalia si xulufada Damu Jadiid u hesho waqti ay ku suta dheereeysato.


Ra’isulwasare Saacid waa diiday qorshaha Urur diimeedka Damu Jadiid wuxuuna ku adkeeystay in dalka laga hergeliyo doorasho madaxbanaan oo shacabka Soomaaliyeed ku soo dooranayaan Dowladaha hoose iyo aqalka golaha Wakiiladda.

Madaxweyne Garguurte oo aaminsan inuu xilka qaadis ku sameeyn karo Ra’isulwasare Saacid wuxuu qorsheynayaa inuu xilka Ra’isulwasaraha Somalia u magacaabo nin u dhashay beesha Isaaq oo sida la sheegay ku reera Marwada Madaxweynaha Jibouti Khadra Xeeyd.halka uu Ra’isulwasare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda u qorsheeyay Kaadirka Damu Jadiid,saaxiibkiis Farah Abdulkadir oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Reer Aw Xasan Kalweyne oo hore u sheegan jirtay Sheekhaal Hawiye laakiin hada sheegatay inaysan aheyn Hawiye.



Xildhibaanada beesha uu ka dhashay Madaxweynaha ee Mudulood oo kulan kula yeeshay Villa Somalia ayaa Garguurte kula taliyay inuu ka laabto dagaalka uu kula jiro Ra’isulwasare Saacid.

Xildhibaan Abdulkadir Cosoble ayaa ku yiri {Ra’isulwasare ka wanaagsan Saacid ma heli doontid laakiin Siyaasad xumadaada ayey qeyb ka tahay inaad rayi qof kale ku shaqeeysid}
Xildhibaan Cosoble ma carbaabin qofkaas laakiin wuxuu kala jeeday Farah Topaz sida xitaa Madaxweynaha u fahmay.

Madaxweyne Garguurte ayaa casha sharaf u sameeyay 61  Xildhibaanadii Hawiye hasse yeeshee waxaa u tegay tiro lagu qiyaasay 12 Xildhibaan.

Tirada u tagtay si saxa looma hubo laakiin waxaa la xaqiijiyay inuu ergo u dirsaday 8 Xildhibaan oo aan magacyadooda ka xusi karo Mustaf Dhuxulow,Abdi Ahmed Dhuxulow dhegdheer,Dhageey Ugaas iyo Jawaahir .

Afarta Xildhibaan waxay si rasmiya u taageersan yihiin siyaasadda Ra’isulwasare Saacid lamana oga wuxuu noqon doono go-aankooda.

Xeeldheerayaashu waxay qabaan in Madaxweyne Garguurte wajahay xaalad la mida tii lagu sagootiyay Abdullahi Yusuf Ahmed.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaraha wuxuu ka dhashay Dastuurka oo la moodo in loo qoray qaab dhagareysan oo looga gol leeyahay in lagu abuuro khilaaf madaxda sare ee dalka.

Madaxweynaha oo ah ninka ugu awooda badan Dalka Soomaaliya ayaa haddana dastuurka wuxuu siinaaya Raisul wasaaraha uu magacaabo awood fulineed oo u muuqanaysa inuu Raisul wasaaraha leeyahay awooda fulineed ee xukuumada Soomaaliya.

Is qabqabsiga inta badan wuxuu imaanayaa Madaxweynaha oo ah qofka Magacaaba Raisul wasaaraha inuu isku arko inuu isagu leeyahay awooda Fulinta
.
Arinta cajiibka ah waxaa weeye in Madaxweynuhu magacaabi karo Raisul wasaaraha balse uusan xilka ka qaadi karin,Madaxweyne kasta iyo Raisul wasaaraha uu magacaabo wuxuu khilaafkoodu si hoose ugu bilaawdaa xubnaha golaha wasiirada oo labada masuul kala raaca, 10-ka Wasiir ee Xukumada Federalka Somalia  ka kooban waxay inta badan hoos tagaan Madaxweyne Garguurte,waxaana arrimaha nuucaana aad uga carooday Ra’isulwasare Saacid oo doonaya inay Wasiiradiisa warbixinta siiyaan isaga kadibna uu Madaxweynaha u gudbiyo sida uu yahay sharciga awood qeybsiga Hay’ada sharci fulinta.

Xalka ugu wanaagsan ee Dowladnimada Somalia lagu badbaadin karo waxay tahay in Jagada Ra’isulwasaraha laga maarmo oo la sameeyo Madaxweyne iyo ku xigeen,waana xilliga doorashada ka hor laakiin hada ma muuqato arrinkaas maadama awood qeybsi lagu dhisay Dowladda Federalka.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada