Daawo Sawirada:- Subxaanallaah.Haweynkii Ka Soobarakacay Dagaalada Jowhar Oo Wadada Ku Umulay.

Daawo Sawirada:- Subxaanallaah.Haweynkii Ka Soobarakacay Dagaalada Jowhar Oo Wadada Ku Umulay.

daajis.com:-Ilaa Kontameeyo haween oo wata caruurtooda ayaa ku sugan Xarun caafimaad oo Ciidamada AMISOM ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, kuwaasoo dhibaatooyin kala soo kulmay dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay duleedka bari ee magaalada Jowhar.

Haweenkan iyo caruurtooda ayaa xaalado nololeed ku heystaa Teendho looga sameeyay garoonka diyaaradaha oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaana ku jira ilaa 20-haween uur lahaa, kuwaasoo markii ay ka soo barakaceen dagaalada ku umulay wadada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku booqday Garoonka diyaaradaha Jowhar haweenkan iyo caruurtooda oo xaalado bani’aadanimo heysta, waxaana ay ugu baaqeen hey’adaha sama falka inay gar gaar la soo gaaraan.

Haweenkan ku soo umulay wadada, intii ay ka soo cararayeen dagaalada ayaa dhowr teendho looga sameeyay garoonka diyaaradaha Jowhar ku heysan wax daawo ah iyo daryeel caafimaad oo guud, marka laga reebo daawooyinka ay isticmaalaan Ciidamada AMISOM ee loogu tala galay askarta ku dhaawacanta dagaalada.

Qaar ka mid ah haweenkan ayaa sheegay in ay kala firxadeen, qaarna wabiga ku dhinteen, qaarna dagaalada, waxaana ku jiray haween ragooda ku dhintay dagaalada oo asay u saarnaa.

Sidoo kale ma heystaan wax cuno ah, sariir ay jiiftaan, iyadoo dhulka u yaalo kaliya darin iyo go’o ay caruurtooda dhulka ka xijinayeen.

Dhibaatooyinka uu geystay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka bari ee Jowhar ayaa saameyn ku yeeshay caruur iyo haween, kuwaasoo ay ku guryo beelay dagaalada markii tuulooyinkooda laga soo gubay.

Magaalada Jowhar ayaa wali ku jirta go’doon, iyadoo aanay jirin meel sahayda loo marsiiyo dadka ku dhiibaateysan ee ka barakacay fatahaadaha iyo colaadaha, marka laga reebo in diyaarad lagu geeyo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com









Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada