SAWIRRO:- Golaha wasiirada oo meelmariyay dib u howlgelinta Jaamacaddii Umadda

SAWIRRO:- Golaha wasiirada oo meelmariyay dib u howlgelinta Jaamacaddii Umadda

daajis.com:-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa maanta meel mariyey qorshe lagu hawlgelinayo jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ku burburtay dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray.

Kaddib soo jeedinta Wasaaradda Horumarinta  Adeegga Bulshada iyo dood dheer kadib,  waxaa uu Goluhu ansixiyay qorshaha dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummadda , iyadoo loo qoondeeyey miisaaniyad gaaraysa $3.6 malyuun oo dallar, loona gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Soomaaliya.

Agaasinka Waxbarashada  ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo dhowaan hirgelisay barnaamijka “Aada Dugsiyada”, ayaa sidoo kale ku hawlanaa dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummaada Soomaaliyeed, waxana  tallaabadani ka mid tahay guulaha Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu  uu shirkii qaran ee waxbarashada ku balanqaaday dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Mudane  Cabdi Faarax Shirdoon ayaa guul ku tilmaamay qorshaha lagu hawlgelinayo Jaamacadda Ummadda .

“ waxaa maanta sharaf weyn noo ah in aan dib u hawlgelinno Jaamacaddii Ummadda, kaddib sanooyin badan oo aanay shaqaynin Jaamacadaasi, tani waxaa ay guul u tahay Xukuumadda iyo Qaranka Soomaaliya” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxaa  jaamacad loogu aqoonsaday sannadkii 1974-tii , waxana  lagu maamuli jiray xeerka lambarkiisu yahay 72 oo soo baxay 7-dii September 1977-dii, iyadoo soo saari jirtay aqoon yahano laf-dhabar u ahaa qaranka.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumaddu waxa uu maanta ansixiyey xeerka  Maamulka Hey’adda Daraasaadka Badaha Soomaaliya (HDBS) , waxana  kaddib dood iyo lafa-gur uu goluhu isku raacay in ay muhiim tahay in la sameeyo hay’addan, si loo waajaho dhibaatooyinka ka taagan badaha Soomaaliya.

Dhismaha  hay’addan oo  samayn doonta cilmi-baaris waxa uu qayb ka yahay qorshah xasilinta qaranka iyo sidoo kale dadaalka ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku hanato dhamaan dhulka, badaha iyo hawada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa  ka dooday ammaanka guud ee qaranka iyo xaaladda amniga oo meel fiican maraysa, waxana uu soo dhoweeyey go’aankii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku kordhiyey ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM .

Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Dhexe in ay dirirta joojiyaan , islamarkaasina khilaafaadkooda ku xalliyaan tubta nabadda iyo wada noolaanshaha, waxana goluhu ku amray ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan in ay kala dhex galaan beelaha dirirtu ka dhaxayso.

“ Waxaan ugu baaqayaa walaalaha ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha  Dhexe in ay joojiyaan colaada oo ay khilaafkooda ku dhameeyaan wadahadal , waxaan ku amraynaa ciidamadda dowladda ee halkaasi ku sugan in ay kala dhex galaan labada dhinac. Maanta waxaa la joogaa xilligii nabadda iyo horumarka. Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada