Neymar, Devid Luiz & Willian oo Beckham ka shaxaaday iney galaan Sawir wadajir: SAWIRRO

Neymar, Devid Luiz & Willian oo Beckham ka shaxaaday iney galaan Sawir wadajir: SAWIRRO


daajis.com:-Laacibiinta Xulka Qaranka Brasil ee u kala ciyaara Bercalona iyo Chelsea Neymar iyo David Luiz ayaa garoonka Hotelka US City ee ku yaal magaalada Miami ee dalka Mareykanka kaga dhex codsaday Laacibkii hore ee xulka Qaranka Ingiriiska David Beckham in uu la galo sawir, kadibna si xarago leh ayaa sawir looga qaaday Kaamirada Taleefanka Neymar iyo Video inyar soconaya .

Xiddigaha xulka Brazil ayaa waxaa sidoo kale wehliyay Laacibka isna u ciyaara kooxda Chelsea ee isku wadanka yihiin Willian Borges da Silva oo sawir gaar ah la galay weeraryahankii hore ee Ingriiska David Beckham, kadib markii ay galeen sawirka ayuu David Beckham uu ka dhaqaaqay isagoo macsalaameynaya.

Laacibka kooxda Barcelona Neymar ayaa yiri waa riyo run ah inaan imaado Miami, waxayna isaga iyo kooxdiisa ka qeybgaleen ciyaar garoonka American Airlines Arena ku dhex mareysay kooxaha Bassketbalka Miami Heat iyo Milwaukee Bucks.

Xulka ciyaartoyda Brazil ayaa magaalada Miami waxay kula balansan yihiin xulka dalka Honduras.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada