Rouhani: Joojin Mayno Naaxinta Yuraniyamta

Rouhani: Joojin Mayno Naaxinta Yuraniyamta

daajis.com:-Madaxweynaha wadanka Iran Hassan Rouhani, ayaa sheegay in dalkiisu aanu joojin doonin howlaha la xiriira hormarinta barnaamijkeeda nuclearka, islamarkaana waxa uu balanqaaday inuu wadashaqeyn wanaagsan la sameynayo beesha caalamka
 
Mr. Rouhani ayaa wareysi uu siiyey television-ka IRIB waxa uu ku sheegay in Iran ay xaq u leedahay inay naaxiso macdanteeda yuraniyamta, taalabadaana ay tahay mid aaney joojin doonin abid.
 
Hadalkan madaxweynaha Iran, ayaa imanaya dhowr maalin uun ka dib markii ay Iran heshiis ku meel gaar ah la gaartay xubnaha joogtada ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo wadanka Jarmalka, heshiiskaas oo dhigaya in Iran ay xaddiddo barnaamijkeeda Nuclearka, taa badalkeedna ay beesha caalamku ka qaaddo cunaqabateynta caalamiga ah.
 
Heshiiskan lixda bilood ah, ayaa waxa uu u ogolaanayaa Iran inay sii wadi karto naaxinta macdanta yuraniyamta boqolkiiba shan oo kaliya, heerkaas oo ah mid saamaxaya in koronto uun lagu dhaliyo. Iran ayey tahay inay dhinto keydkeeda macdanta yuraniyamta ee ah boqkiiba 20, kaasi oo loo adeegsan karo cilmibaarista dhanka caafimaadka, balse sidoo kalena qarka u saaran heerka loo baahan yahay in lagu sameeyo bam nuclear ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada