Sidee Ku Ogaan Kartaa In Uu Been Kuu Sheegayo Ninkaada??

Sidee Ku Ogaan Kartaa In Uu Been Kuu Sheegayo Ninkaada??

daajis.com:-Gabaryaheey haddii aad dooneyso in si fudud aad ku ogaato xiliga ninkaada uu ku sheekeynayo in warkiisa sax yahay ama been yahay waxaad raacdaa habkaan hadaad ku aragto ogaaw been ayuu ku sheegayaa.

Indhaha Been Ma Sheegaan: marka uu wax ku leeyahay si wacan oo toos ah u fiiri indhihiisa haddii uu been sheegayo waxad arkeysa isaga oo si deg deg ah kaaga jee-jeedinaya indhihiisa.

Fiiri Dhaq-dhaqaaqa Cagahiisa: Haddii uu ku sheekeynayo cagahiisana ay sameynayaan dhaq-dhaqaaq ah in marba cag cagta kale saaro ama kala war wareejiyo ogaaw been ayuu shegaya ama wax aan soconeyn ayuu kaa dhaadhicinayaa.

Hadii Uu Dhabarka Kuu Jediyo: haddii aad aragto marka uu hadalka kuu bilaabo in durba garabkiisa ku soo aadinayo ogaaw wax ayuu kaa qarinayaa wajigiisa maadama beenta laga garto wajiga.

Su`aal Kedis ah weydii: weydii su`aal kedis ah oo sahal oo uusan fileyn tusaale , xalay intee jirtay ama yaad la qaxweeysay , waxaad fiirisaa jawaabta uu ku siinayo hadii aad aragto in gacmihisa uu jeebka giliyay ogaaw waxa uu isku dayayaa in uu wax ka qariyo maxaa yeelay been ayuu sheegaya.

Fiiqo Gaar Ah : Isku dir ma aha maqaalkaan waa warbixin guud oo muhiimadeeda leh .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada