Tarsan oo sheegay in dadka reer Muqdsiho ay iska soo aruuriyeen $280 kun oo doolar, oo wax loogu qaban doono shacabka waxyeeladu kasoo gaartay Puntland iyo G/SH/ dhexe

Tarsan oo sheegay in dadka reer Muqdsiho ay iska soo aruuriyeen $280 kun oo doolar, oo wax loogu qaban doono shacabka waxyeeladu kasoo gaartay Puntland iyo G/SH/ dhexe

daajis.com:-Kulan balaaran oo xalay lagu qabtay degmada wata jir ee gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay in degmooyinka gobolka Banaadir ay iska soo aruuriyeen lacag gaaraysa 280 kun oo doolarka maraykanka ah, oo ay ugu deeqayaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay duufaanadii ku dhuftay maamulka Puntland iyo tafahaadaha uu wabiga Shabeelle ka gaysanayo deegaanada gobolka Shabeelaha dhexe.



Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Daaci oo ka hadlay furitaanka munaasabadda ayaa sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir ay iska soo aruuriyeen hanti aad u fara badaan oo ay ugu talo galeen shacabka ay dhibaatadu kasoo gaartay duufaanada ku dhuftay Puntland iyo fatahaadaha wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo khudbad ka jeediyay munaasabadaas ayaa sheegay in bulshada ku nool gobolka Banaadir ay sharaf wayn u tahay inay u gurmadaan dadka walaalaha ay yihiin ee ku dhibaataysan gobolada dalka.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa tibaaxay in degmoyinka gobolka Banaadir ay iska soo aruuriyeen $280 kun, wuxuna sheegay inay ugu deeqeen shacabka waxyeeladu kasoo gaartay fatahaadaha iyo duufaanada ku ka dhacay gobolka Shabeelaha dhexe iyo maamulka Puntland, wuxuuna balan qaaday in sida ugu wanaagsan loo gaarsiin doono lacagahaas.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in maalinta Axadda ah ay magaalada Muqdisho ka bixi doonaan Baabuur fara badan oo sida raashin iyo waxyaabo kale uu ku wajahan deegaanada gobolka Shabeelaha dhexe si ay u gaarsiiyaan deeqdii ay soo dhiibeen shacabka reer Muqdisho.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada