Video cusub:- Saacid oo waraysi bixiyey “Waligey Reer kale ma guursan “Xasasi

Video cusub:- Saacid oo waraysi bixiyey “Waligey Reer kale ma guursan “Xasasi

daajis.com:-Ra’isal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, oo wareysi gaar ah siiyay talefashinka KALSAN TV, studiyahiisa magaalada Muqdisho, ayaa ka sheekeeyay waayahiisa Nolasha & Sida loogu Magacaabay Raysal Wasaaraha.


Mr. Shirdoon waxaa wareystay Ruug cadaa  wariye C/qaadir Maxamed Faarax (Dulyar), wuxuuna ku casuumay barnaamijka Xasuusta Qofka, oo horey loogu marti qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiin kale.

Ra’isal wasaaraha wuxuu sheegay inuu jecelyahay ciyaaraha kubadda cagta, Musica, gaar ahaan heesaha Soomaaliga, iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Mr. Shirdoon wuxuu sheegay inuu farxad badan ka helay xiriirka gobollada dalka, shabakadaha internet-ka, wuxuu si gaar ah u xusay inuu ka helo sheekooyinka quseeya dadka wadamadooda magaca u soo hooyay.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay fursaddiisa nasashada tan iyo markii la magacaabay ayuu sheegay inuu aad u yaryahay jaaniskiisa, iyo waqtiga uu familkiisa la qaato.

 HALKAN KA DAAWO VIDEO


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada