ABWAAN REER HIIRAAN AH OO GABAY KU WEERARAY ALSHABAAB, CALI DHEERANA DHAMBAAL U DIRAY

ABWAAN REER HIIRAAN AH OO GABAY KU WEERARAY ALSHABAAB, CALI DHEERANA DHAMBAAL U DIRAY

daajis.com:-Gabaygaan waxaa la Yiraahdaa CALIOGEYSIIYA , Waxaana Tiriyay Abwaan Shirwac Xsan Axmed Oo ku magac dheer  Abwaan Guulane , waxa uuna tiriyay kadib Qaraxii 18/June/2009 ka dhacay Baled weyn, kaasi oo sida lala wada socdo uu sheegtay Ururka Alshabaab, waxa uuna Abwaanku leeyahay Calidheere oo ahaa Ninkii Dadkii Meesha ay ku halaageen ku tilmaamay Gaalo, waxa uuna Leeyahay Waan Aarsan doono, isaga Oo sheegay in lagu Yaqaaan Cudud , Iyo Aarsi Iyo waliba Isku duubnida Reer Hiiraan, iyo Qoyska Uu Abwaanku kasoo jeedo, Uu Gaaray dhibka Ugu balaarnaa…haddaba Akhris Iyo Guddoon Wacan:-

cada gabay marabin waayadan  ina cadeeyahe
wax dhan baa ciilanaayo candhuuf dhuunta mari waayay
cadawgii na laayaan rabaa in an cadaadshaaye
caadiloow adaa sixi karee ceynka igu aadi


cumar xaashi ninmankii dilee galiyay ciid hoose
Caamiyo kuwii  culumadii Qaxar ku caam yeelay
ciroolaha ragii laayayo cunigba noo reebin
cududaan laheen iyo ragii culamadii laayay
khabarkaasi gootow Cabdow ,cisho isoo gaaray
cadaa cunay majirin iyo midaan calaalshahe
ceery yaamo aheed iyo maalin ciil badane ( 18/june/09)

cumaan iyo cadan ninmankaan ka yimid  ee caaqa badidooda
Ee Hooyadii intuu ceershay , Cunaya Waayeelka
Ee hablihii Cisada Naga Mudnaa, cudud ku hooy geystay
Caddaan iyo madowgii dadkaan , Caalmkii kiciyay
Quraankii Ciyaariyo ka dhigay , cunaha hoostiisa
Cafin maayo oo wa in aan wada curyaanshaaye
Colna waa in aan u duulaan diraa , ciidda aan daga”e
ma cabsoodo haddii aan cartamo, caalli uu biqiye

Cajab yuuna kula noqon Codkaan Caalim baan ahye
Cawaalihi awood lagu yaqiin baan u Ciyayaahe
Cagar jeeg iyo waxaan taar u diri cadada diile
Coomaad raggaas iga jiraan  soo canaanayiye
Camuud maxaas iyo mabaxa yaan soo carbinayaahe
Caduuntaas koreetiyo raggaan jiinka ku caweyni

Gidigoodba Ciifey qabaan Cadawga gaarsiiya
Casar aan dhamaan ka wacan Cali Ogeysiiye  (calidheere)
Cishe ay ahaataba , kolbuu Calanku ii taagmi

W/T Shirwac Xasan Axmed  ''ABWAAN GUULANE''
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada