Daawo Sawirada:- R/wasaaraha Xilka Ka Tagaya Iyo Raysal Wasaaraha Cusub oo Kulmay.

Daawo Sawirada:- R/wasaaraha Xilka Ka Tagaya Iyo Raysal Wasaaraha Cusub oo Kulmay.

daajis.com:-Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya waxaa Maanta markii ugu Horreysay si ka fool ka fool leh isaga Horyimid R/wasaaraha Shaqada ka Tegaaya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo R/wasaaraha Cusub C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa uu ka dhacay xafiiska Raysal Wasaaraha Baarlamaanka ay kalsoonida kala laabten,waxaana Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Xilligii uu Guddaha u galay Xafiiska uu  Gacan Qaaday R/wasaaraha xafiiska  baneynaaya, iyadoo sidoo kalana uu gacan qaaday qaar kamid ah shaqaalihii xafiiskii Saacid.
Mas’uulka ka tagaya Jagada raysal wasaarenimo ee Dowladda faderaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si diirran usoo dhaweeyey ninka ka badali doonna xilka,waxaana soo dhaweyn loo sameeyey ka qeyb qaatay shaqaalaha xafiiska uu Saacid ka tagayo.
Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed,ayaa hadal uu jeediyey waxaa uu ka codsadey Saacid iyo xubnihii la shaqeyn jiray inay la shaqeeyan oo ay Gacan qabtaan.
Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) raysal Wsaarihii hore ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay in uu la shaqeeyo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, oo ku Cusub Saaxada siyaasada ee Soomaaliya, oo markii ugu horeysay ay tahay, uu soo galo.
Si kastaba ha-ahaatee kulaka isbarashada ah ee dhexmaray labada Mas’uul waxaa uu Noqonaya kii ugu Horeeyey ee ay ku kulmaan.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada