Mourinho Oo Ka Jawaabay Cabashada Gunners: Arsenal Waa Ciyaal Iska Ooya.

Mourinho Oo Ka Jawaabay Cabashada Gunners: Arsenal Waa Ciyaal Iska Ooya.

daajis.com:-Jose Mourinho ayaa ku tilmaamay Arsenal ciyaal iska ooya ka dib markii ciyaar fool xumo badneyd oo ka dhacday Emirates Stadium ay xalayto ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.

Arsene Wenger ayaa ka careysnaa in kooxdiisa laga beeniyay rigoore islamarkaana John Obi Mikel aan la siinin casaan uu mudnaa.
Natiijadii Emirates ayaa waxa ay la micno tahay in Liverpool ay hogaanka u qabato Premier League waqtiga ciida gaalada markii ugu horeysay tan iyo 2008dii, iyadoo Arsenal ay ku jirto kaalinta labaad ka dib seddex bilood oo ay hogaanka hayeen halka Chelsea ay ku jirta afaraad.
Laakiin Mourinho oo weli rikoor nadiif ah ka heysta Gunners ayaa weerar ku qaaday Arsenal.

“Ma ogtahay waxa ay jecel yihiin inay ooyaan” ayuu yiri tababara Chelsea.
“Taakalada waa dhaqan. Laakiin waxaan iraahdaa oo aan u sheegay garsooraha afaraad in dadka Ingariiska ah tusaale ahaan Frank Lampard inuusan ka caroodeen xaalad sidaas oo kale ah. Ciyaartoyda wadamada gaar ahaan wadamada qaar, qaba ciyaareed sidaas oo kale ah dhiigooda ayay ku jirtaa.
“Haddii lagu taabto ama si adag loogu maro, hore u soco, sababtoo ah meeshaan waa England. Ciyaartoyda ajnabiga ah waxyaabo fiican ayay keenaan. Waxa ay halkaan u yimaadaan sababtoo ah tayo ayay leeyihiin laakiin waxaan jeclahay dhiiga England ee ku jira kubada cagta.
“Dhiiga England ee xaaladaana waa “Ka bood oo ka soco”. Taakalka Mikel waxa uu ahaa mid adag. Kubada cagta waxaa loogu talo galay rag ama haween leh dabeecad fantastik ah.
“Kubada cagta waa ciyaar la istaabto. Kubada cagta Ingariiska waa qaboobaha oo la ciyaaro, biyo ku jira garoonka, taakal la isku soo taraarixiyo weliba xawaare fantastik ah. Ku faan. Si sharaf lehna u ciyaar. Haddii aad xanuunsato OK waad xanuunsatay.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada