Daawo Sawirada:- Musharax Caluula oo booqday xarunta dadka maskaxda ka xanuunsan ee Garowe, mucaawinona gaarsiiyay

Daawo Sawirada:- Musharax Caluula oo booqday xarunta dadka maskaxda ka xanuunsan ee Garowe, mucaawinona gaarsiiyay

daajis.com:-Murashax Cabdirisaaq Nuur Caluula oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ayaa waxuu booqday hoyga ay ka daganyihiin dadka qaba xanuunka dhimirka ee caasimada Puntland ee Garoowe.


Murashaxa oo  ah aqoonyanah da` yar isla markaasna fir fircoon  ayaa halkaasi gaarsiiyay  joodariyaasha lagu seexdo.
Joodariyaashaan ayaa ahaa kuwo aad  ugu muhiim ah maadaama dadkaan dhimirka qaba ayaa intooda badan ay ahaayeen kuwo aan haysan agabka lagu seexdo ayagoona intooda badan ay ahaayeen kuwo Dhulka Seexda.
Xaawo Qaylo Weyne oo ah gudoomiyaha xarunta Dhimirka ee caasimada Garoowe ayaa soo dhaweysay murashaxa ayadoona ka gudoontay alaabtii uu u waday dadkaan dhibaataysan.
Sidoo kale Xaawo waxay sheegtay in murashaxa uu yahay kan koowaad ee Soo booqday dadkaan dhimirka qaba, sidoo kale waxay murashax Caluula uga mahad celisay agabkaan uu soo gaarsiiyay ee joodariyaasha u badan.
Musharaxa ayaa isagu gudaha u galay xarunta ay ku nool yihiin dadkaan xanuunsan isagoona indho indhayn ku sameeyay gabi ayaanba guriga ay daganyihii oo u kala qaybsan rag iyo dumar, waxa uuna balan qaaday hadii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha in uu u dhisi doono hoy fiican isla markaasna ay heli doonaan xanaanayn aad u Saraysa.
Sidoo kale musharaxa ayaa waxuu booqasho balaaran ku tagay xerada barakacayaasha Jillab ee dhanka Bari ee magaalada Garoowe.
Cabdirisaaq Nuur Caluula ayaa u kuur galay dhinacyada kala duwan ee barakacayaasha sida nolosha, waxbarashada, caafimaadka isagoona halkaasi ay ku soo dhaweeyeen boqolaal barakacayaal ah.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada