DAAWO SAWIRADA:-Ciidamada Puntland oo jirdilaya Wariye ha howlgala Somsat Tv.

DAAWO SAWIRADA:-Ciidamada Puntland oo jirdilaya Wariye ha howlgala Somsat Tv.

daajis.com:-Mahad Cabdi Cali oo kamid ah wariyaasha ka howlgala Tv-ga Somsat ee xafiiska Garowe,ayaa maanta askar ka mid ah kuwo ilaaliya murashaxiinta waxay ku jir dileen aqalka Murashax Maxamed Cabdinuur oo ay ku kulan sanaayeen murashaxiinta oo dhan.

Ilaa iyo hadda sababta wariye Mahad loo dilay lama yaqaan,basle waxay arrintaani ka turjumaysaa hab dhaqanka murashaxiinta iyo sida aysan xushmad u siin saxaafadda.

Saxaafadda oo ka mid ah awooda afaraad ee wadan kasta ayaa waxaa looga baahnaa inay qadarin iyo xushmad gaar ah siiyaan murashaxiinta,hase ahaatee taasi maanta ma aysan dhicin oo waxaa si bareero ah guriga Murashax Maxamed Cabdinuur loogu jirdilay wariyahaasi.

Wali kama aysan hadlin murashaxiinta iyo laamaha ammaanka falka lagu dilay suxufigaasi,mana ahan markii ugu horaysay oo sidaan oo kale jir dil iyo dhibaato la gaarsiiyo suxufiyiinta.
Haddaba hoos ka daawo muuqalka markii la jir dilayay wariye Mahad CabdiCali.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada