Af Soomaaliga oo lagu daray afafka Google Translate uu turjumo

Af Soomaaliga oo lagu daray afafka Google Translate uu turjumo

daajis.com:-Haatan waxii ka dambeeya waxaa uu afka Soomaaliga ka mid noqday ilaa 80 Luqadood oo ku jira Google Translate qeybtiisa isku turjunka waxaana hadda waxii ka dambeeya ay dadka af Soomaaliga ku hadlaa ay ka faa'ideysan karaan in ay turjuntaan erayada ay ku ku fahmi kari waayaan ama kuwa aysan ku aqoon afafka qalaad ayagoo si sahlan ugu tarjuman doona qaamuuska Google translate oo qidmadani kusoo kordhiyay howlaha uu webkaasi qabto.

Tani waa Guul weyn oo usoo hooyatay dhamaan dadka ku hadla Af  Soomaaliga iyo waliba caalamka kale ee daneynaya in ay ogaadaana ama bartaan micnaha erayada iyo jumladaha afkeena Soomaaliga. Dhanka kalena waa taariikh iyo dadaal mudan in lagu amaano shirkadda Google oo dunida wax badan ka bedeshay qarashna galisay horumarka iyo fududeynta qidmooyin badan oo ay aadanaha u baahanyahiin.

Waxaa uu afka Soomaaliga ka hormaray afaf badan oo dunida looga hadlo iyo waliba qaar kale oo looga hadlo qaarada Afrika kuwaasoo aanan wali lagu soo darin Google afafkaas aan wlai lagusoo darin ayaa waxa ka mid ah gabi ahaan afafka xabashida sida Tigrinya oo Tigraayga Ethiopia iyo Eritrea ku hadlaan  , Amxaariga iyo waliba Oromada afkooda oo ay ku hadlaan ku dhawaad 40 Milyan.

Waxaa arrinkani soo dhaweeyay dadka u dhaqdhaqaaqa Soo nooleynta iyo horumarinta af Soomaaliga Mohamed Haji oo ah af yaqaan Soomaaliyeed oo aan arrintani kala sheekeysanay ayaa waxuu  ku tilmaamay horumar iyo guul weyn isagoo xusay in aanu haatan caalamka la jaanqaadnay dhanka isu turjunka casriga ah, waxuuna intaa raaciyay shirkadda Google ay mudantahay amaan iyo bogaadinba dadaalka ay u galeen in ay hormarinta  afafka dunida looga hadlo ayagoo isku soo dhaweey luqadaha caalamka gees ka gees.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada