Daawo Video:- Qurba joogta Soomaalida ee ku soo noqoneysa Muqdisho iyo Shacabka Magaladaas oo Dhib Wayn isku Qaba!

Daawo Video:- Qurba joogta Soomaalida ee ku soo noqoneysa Muqdisho iyo Shacabka Magaladaas oo Dhib Wayn isku Qaba!

daajis.com:-Qurba joogta Soomaalida ee ku soo noqoneysa magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay dhibaato weyn ku hayaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho madaama ay la soo noqdeen luqad ku cusub oo ayna adag tahay in la fahmo waxa ay ka hadlayaan. 

Qurba joogta ku soo noqtey magaalada Mugdisho ayaa waxaa la sheegay inay ku hadlaan luqad aan ahayn af Soomaali oo u badan luqada Ingiriiska ama luqado looga hadlo wadamada ay ku nool yihiin arintaas oo ay cabasho ka muujiyeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho maadaama aysan aqoon u lahayn waxa ay ka hadlaayaan oo ay adag tahay inay fahmaan dadkaas ka soo noqday dibada, Qurbajoogtaas Soomaaliyeed ayaa waxaa ay luqada af Soomaaliga oo ay ku hadlayaan ay daba dhigaan erayo kale oo af Ingiriis ah ama aan la aqoon waxa ay yihiin arintaas oo ku adkaaneysa qofku inuu fahmo waxa ay sheegayaan dadkaas ku soo noqday magaalada Muqdisho ee ka yimid wadamada dibada. 

Ugu dambeyntiina iyadoo dhibaatadaas cusub ee ku soo korortey dalka Soomaaliya ay tahay mid biloow ah oo la filaayo inay arintaas ay sidaas ka sii adkaato oo ay soo bixi doonto mustaqbalka dad Soomaali wada ah oo aan is fahmi karin maadaama ay dadka Soomaaliyeed ku kala firirsan yihiin dunida dacaladeeda oo uu qof walbana la imaan doono luqad iyo dhaqan u gaar ah oo uu kala yimid dalka uu ku noolaa ayaa arintaan waxaa kale oo ay ka muuqataa madaxda qaranka Soomaaliyeed oo iyagana sidoo kale u badan qurbo joog iyadoona qaar badan oo ka mid ah madaxda marka ay hadlayaan ay hadaladoodu u badan yihiin erayo aan af Soomaali ahayn oo ay adag tahay inay fahmaan qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ay madaxda u yihiin. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada