Daawo Video:- Shirkadaha Google, Apple, Facebook & Microsoft oo ku qarxiyay Sirdoonka Mareeykanka , Maxeey go´aansadeen

Daawo Video:- Shirkadaha Google, Apple, Facebook & Microsoft oo ku qarxiyay Sirdoonka Mareeykanka , Maxeey go´aansadeen

daajis.com:-Shirkadaha loogu isticmaalka badan yahay Dunida ee dhanka aalada Internetka iyo Telefoonada gacanta soo saara ayaa waxa ay si toos ah ugu qarxiyeen Sirdoonka Mareeykanka kuwaas oo si wadajir ah Qoraal ugu diray Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama 

Masuuliyiinta shirkadaha kala ah Google, Apple, Facebook iyo Microsoft ayaa sheegay inay diideen oo mar dambe aysan ogalaan doonin hay´ada Sirdoonka Mareeykanka ee National Security Agency (ASA) inay dhageeysato ama aqrisato aqbaaraadka ay is dhaafsadaan macaamisha ku xiran Shirkadahaan. 

Sirdoonka dalka Mareeykanka ee National Security Agency (ASA) oo mudo dheer dhageeysan jiray Telefoonada dadku is ticmaalaan waliba sidoo kale aqrisan jiray E-mailada ay is dhaafsadaan Siyaasiinta iyo madaxda Caalamka ayaa diidmadaan cusub waxeey ku noqon doontaa niyad jab .Dhanka kale Shirkada Google ayaa qeeybta Luuqadaha Caalamka waxeey ku soo dartay markii ugu horreysay Luuqada Af Soomaaliga. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada