Madaxweynaha Soomaaliya oo saacadaha soo socda lagu wado inuu magacaabo Ra'iisul

Madaxweynaha Soomaaliya oo saacadaha soo socda lagu wado inuu magacaabo Ra'iisul

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diyaar garowgii u dambeeyay ugu jira soo magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Soomaaliya, isagoo soo gaba gabeeyay wada tashiyo ku saabsanaa soo magacaabida iyo tilmaamaha laga rabo inuu yeesho qofka uu u magacaabi doono.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay daajis.com ayaa sheegaya in saacadaha soo socda lagu wado in Madaxweynaha uu ku dhawaaqo Ra'iisul Wasaaraha cusub, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta la magacaabo.

Madaxweynaha ayaa shalay wareysi la qaadanayay xubnaha soo gudbiyay codsiyada ee dadaalka ugu jira in loo magacaabo Ra'iisul Wasaare, waxaana musharax walba uu kulanka la qaadanayay in ku dhow nusa saac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta u ambabaxo magaalada Nairobi oo uu uga qeyb geli doono xuska maaliyada Xoriyada Kenya, iyadoo ay dhici karto ka hor inta uusan bixin uu magacaabo Ra'iisul Wasaaraha.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in laga yaabo Madaxweynaha uu ku dhawaaqo gelinka dambe ee maanta ama maalinta berri, hase ahaatee waxay u badan tahay in todobaadkan gudihiisa aysan dhaafi doonin.

Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in xilka Ra'iisul Wasaaraha ay ugu cad cad yihiin Xuseen Cabdi Xalane iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex, oo horay xilal Wasiiro uga soo qabtay Xukuumadihi hore.

Labadan nin oo isku xigay ayaa shalay ka mid ahaa shaqsiyaadkii uu la kulmay Madaxweynaha ee uu wareysiga ka qaaday, kana dhageystay qorshahooda hadii loo magacaabo xilka Ra'iisul Wasaaraha.

Lama oga ilaa iyo hada cida uu Madaxweynaha u magacaabi doono Wasiirka Koowaad, iyadoo ilaa labaatameeyo musharax ay codsiyadooda ay ku dalbanayaan in loo magacaabo Ra'iisul Wasaare ay u gudbiyeen xafiiska Madaxweynaha.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada