Daawo Sawirada:- Koox ka tirsan Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Banaadir oo kulan ku qabtay Bosaso

Daawo Sawirada:- Koox ka tirsan Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Banaadir oo kulan ku qabtay Bosaso

daajis.com:-Koox katirsan Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jaamacada Banaadir oo todobaadyadii ugu dambeeyay ururinayay xogu ku aadan qaabkii uu udhacay roobkii duufaanta watay ee ku dhuftay qaar kamid ah deegaanada Puntland ayaa kullan ku qabtay Magaalada Boosaaso.

Hoolka Jaamacada Bariga Afrika oo ay kullan ku qabteen kooxdaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka Jaamacada Bariga Afrika,Isku duwaha wasaarada Caafimadka Gobolka Bari,Nabadoono,Aqoonyahano iyo arday Jaamacada Bariga Afrika .

Ugu horayn waxaa kullankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika waxana uu mahadcelin balaaran ujeediyay Kooxdaasi katirsan Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jaamacada Banaadir.

''Kooxdii howsha inoo soo bandhigtay runtii u istaagay mudadii labad todobaad ee u dambaysay ku howlanaa in musiibadii rabaaniga ahayd ee dhacday in ay ka soo ururiyaan macluumaad ku saabsan sababaha ay ku dhacday iyo waxa keenay iyo sidii looga gaashaman lahaa haday bari timaato''Ayuu yiri Pro Cabdirisaaq Hiirad oo ah gudomiyaha Jaamacada Bariga Afrika.

''Arintaasi waxaa iska kaa dhaday Labada Jaamacadood waa jaamacada Bariga Afrika iyo Jaamacada Banaadir,hay'adda iyo dowlad iyo iyo waliba qolooyinkii looga bartay majirto ilaa iyo hada wax ay ku darsadeen''Ayuu yiri Pro Cabdirisaaq Hiirad .
Ururinta xogaha ku aadan sidii loo ogaan lahaa qabkii uu ku dhacay duufaanti ka dhacday Puntland ayaa waxaa iska kaa shaday Maamulada iyo ardayda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo waliba Jaamacada Banaadir .

''Bur burka ku yimid deegaanka dadku ay sameeyen ama dabeecada laftigeeda sida ay ubur burtay,caradii oo baa ba'day waxaa kamid ah sidookale dhuxusha lajarayo,waagii hore reer miyigu iyagaa caanaha keeni jiray hada gawaari ayaa keentay taasna waxa ay qayb katahay sababaha uu dhulku unabaad guuray''Sidaasi waxa yiri kooxdi ururinaysa xogta ku aadan qaabka uu udhacay duufaanti ka dhacday .

Qaar kamid ah arday Jaamacada Bariga Afrika ayaa iyagu talooyin muhim ah ugudbiyay kooxdaasi isu xil saartay in warbixino ka diyaariyaan sababta fududaysay in deegaanada Puntland qaybtood ka dhacdo Duufaani.

Kasoo qayb galayaashi kullankaasi oo isugu jiray Nabadoono iyo aqoonyahano ayaa iyana siwayn usoo dhaweeyay dadaalka ay samaynayaa Maamulada,Macalimiinta iyo ardayda Jaamacada Bariga Afrika iyo Banaadir.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada