Daawo:- 19 jir dhiig ilmeyneysa oo ay dhaqaatiirta dunida ka yaabeen.

Daawo:- 19 jir dhiig ilmeyneysa oo ay dhaqaatiirta dunida ka yaabeen.

daajis.com:-Delfina Cedenos oo ah gabar 19 jir ah oo u dhalatay dalka Domican Rebublic ayaa waxaa lagu arkay arrin mucjisa ah kadib markii ay afartii sano ee lasoo dhaafay indhaha kasii deynaysay dhiig oo ay ilmeyneysay dhiig xinjiro ah markii ay ilmeyneyso, waxaana uu dhiiggaan sidoo kale ka yimaadaa jirkeeda xiliga ay dhidideyso ama sanka xilliga ay hindhisto taasoo ku beertay welwel nolosha caafimaadka gabadhan yar oo ugu dambeyn la dhigay Isbitaal iyadoo arrintan  ay mas'alo ku noqotay dhaqaatiirta caafimaadka taasoo keentay in ay qaar aamini waayaanba kiiska.

Arrinta gabadhan ayaa waxa soo bandhigay telefishin laga leeyay dalka Ingiriiska oo ka sameeyay barnaamij la magacbaxay (Crying Blood), waxaana ay gabadhan yar ee bukaanka ahi ay kaga hadashay xanuunkeeda oo ah mid mucjisa ah waxaana ay xustay in ay dadka ka baqaan oo ay xataa ka carareen caruurtii ay la ciyaari jirtay iyagoo aaminay in uu cudurkaan ku faafi karo oo ay qaadsiin karto.

Waxaa hore loo arkay kiis noocaan oo kale kadib marki Twinkle Dwivedi oo aheyd gabar 18 jir India u dhalatay ay iyana ooyneysay dhiig oo ay indhaheeda ka keeneysay laakiin dhaqaatiirtu ay qaliin ku sameeyeen si loo xaliyo arrinkeeda.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada