Magacyada Madaxweyne ku xigeen iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Maamulka Jubba oo maanta lagu dhawaaqay.

Magacyada Madaxweyne ku xigeen iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Maamulka Jubba oo maanta lagu dhawaaqay.

daajis.com:-Madaxweynaha KMG ee Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku dhawaaqay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Maamulkaasi iyo Qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubba.

Kadib Munaasabad ka dhacday Saakay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubba ayaa looga dhawaaqay Magacyada Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubba iyo 8-Wasiir oo kamid ah noqonaya Golaha Fulinta ee Maamulkaasi.

Aqriso Magacyada Madaxweyne kuxigeenka labaad iyo Golaha Wasiirada.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubba ayaa waxaa loo magacaabay Suldaan C/qaadir lugadheere.

1:Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Cabdi Xafiid

2:Wasiirka beeraha Xoolaha iyo kaluumaysiga Maxamed Aadan Jaamac

3:Wasiirka Bulshada Maxamed Ibraahin Maxamuud (Macalin Maxamed)

4:Wasiirka caafimaadka iyo fayo dhowrka Xasan Daahir Yaroow

5: Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Maxamed Nuur Iftiin (Shambala)

6: Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Maxamed Warsame Faarax (Darwiish)

7: Wasiirka maalIyada Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo loo yaqaano Abuu Yuusuf.

8: Wasiirka Macdanta biyaha iyo Bii’ada Cabdi Nuur Cali Aadan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada