Xog Muhim Ah:- Sadaxda Musharax ee ugu Cad cad in loo Magacaabo Xilka R/Wasaaraha iyo Xiliga la filayo in lagu dhawaaqo.

Xog Muhim Ah:- Sadaxda Musharax ee ugu Cad cad in loo Magacaabo Xilka R/Wasaaraha iyo Xiliga la filayo in lagu dhawaaqo.

daajis.com:-Shabakada Allbanaadir.com ayaa Baaritaano dheeraad ah kadib waxa ay soo ogaatay Sadaxda Musharax ee ugu cad cad in loo Magacaabo R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Waqtiga Suurto galka ah in la Magacaabo.

Xogo lagu kalsoonaan karo aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Miiska Saaranyihiin Sadax Nin oo midkood la filayo in loo Magacaabo R/Wasaaraha Soomaaliya.

Sadaxda nin ee isugu soo haray raga u taagan Xilka R/Wasaaraha Soomaaliya Madaxweynahana la filayo in Midkood ka xusho ayaa dhamaan kasoo jeeda beesha Daarood , labo kamid ah ayaana kasoo jeeda Beesha Mareexaan halka kan kalana uu kasoo jeedo Beesha Absame Ogaadeen.

Sadaxda Musharax ayaa kala ah:

1- Madaxmed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) waa R/Wasaarihii Shacbiyada Badnaa ee Hogaanimayay Xukuumadii tayo , waa nin Magac iyo Maamuus ku leh Siyaasdaa Soomaaliya aadna loo saadaalinayo xiligan in mar kale R/Wasaare loo Magacaabo , waxa uuna kasoo jeedaa Beesha Daarood , Mareexaan.

2-C/Wali Sheekh Axmed oo isna kamid ah Musharixiinta Miiska saaran waxa uu kasoo jeedaa beesha Mareexaan, gaar ahaan reer Ugaas, waxaana dhalay sheekh caan ka ahaan jirey gobolka Gedo , Waxa uuna ninkaan muddo ka shaqeyeynay bankiga Islaamka xaruntiisa Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ,waana aqoon yahan aad looga yaqaan gudaha iyo dibada , waxa uuna hada ku jiraa Raga ugu cad cad Liiska uu Madaxweynaha gacanta ku hayo.

3-Xuseen Cabdi Xalane Wasiirkii Hore ee Maaliyada Xukuumadii Farmaajo ayaa isna kamid ah Raga la saadaalinayo in loo Magacaabo R/Wasaaraha Soomaaliya , Ninkan ayaa kasoo jeeda Beesha Absame , Ogaadeen ,waxa uuna maalmahan kusugan yahay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Sadaxdan Musharax ayaana sida aan xogta ku helnay magacyadooda waxaa gacanta ku haya Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna kala tashanayaa midka uu ka xulan lahaa raga la taliyayaashiisa iyo dad kale oo aqoonyahano iyo Siyaasiyiin isugu jira.

Xogta aan helnay ayaa tilmaamaya in ay ugu cad cad yihiin Xilka R/Wasaare in loo Magaacaabo Farmaajo iyo Cabdi Wali Maadama ay kasoo jeedaan Beesha Mareexaan oo inta badan isha lagu hayo Nin kasoo jeeda in loo Magacaabayo , waxaa sidoo kale isna suurto gal ah in markaan Beesha Absame Xilka R/Wasaare lagu sharfo maadaama ay saameyn badan xiligan ku yeelatay Siyaasada Soomaaliya.

Shabakada Allbanaadir.com ayaana xogta ay heshay waxa ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqayo R/Wasaaraha Maalinta Talaada ah ee soo aadan ama ugu dambeyn maalinta Khamiista ah hadii rabi qadaro.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada