DAAWO VIDEO:- Madaxweyne Obama Adeerkiis oo 53 sano kadib helay sharciga Mareykanka.

DAAWO VIDEO:- Madaxweyne Obama Adeerkiis oo 53 sano kadib helay sharciga Mareykanka.



daajis.com:-Barack Obama Adeerkiis oo lagu magacaabo Onyango Obama ayaa maxkamadda sare ee magaalada Boston u ogolaaday in uu ku noolaado dalka Mareykanka, kadib markii uu helay ogolaanshaha dhalashada dalka Mareykanka.

Onyango Obama oo 69 jir ah ayaa dalka Mareykanka soo galay 1960-kii, xiligaasi oo uu kusoo galay qaab waxbarasho, waxaana xiligaasi Mareykanka ku sugnaa Madaxweyne Obama Aabihiis.

Onyango Obama ayaa hadda wuxuu awood u leeyahay inuu ku noolaado aqalka cad ee Mareykanka looga taliyo, maadaama uu mudo 53 sano uusan haysan jinsiyada dalka mareykanka.


Wareysi uu bixiyay Adeerka Obama ayaa wuxuu sheegay in mudadii uu ku noolaa Bostan in Madaxweyne Obama oo mudo ku noolaa gurigiisa xiligii uu isu diyaarinayay inuu galo Jaamacadda Hardvard ee magaalada Boston.

Ugu danbeyntii markii uu dhalashada qaadanayay ee uu marayay dhaarta jinsiyada Mareykanka ayaa waxaa la weydiiyay cidda uu ka garanayo dalka Mareykanka si loogu liisgareeyo ayuu wuxuu si fudud uu u yiri "Madaxweyne Barack Obama oo uu dhalay walaalkeey Hussein Obama.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada