Daawo Video Layaab leh:- Laba Haween oo isku dhegan islamarkaana leh 3 lugood iyo 4 gacmood oo Dad Badan Ka Yaabsaday!!

Daawo Video Layaab leh:- Laba Haween oo isku dhegan islamarkaana leh 3 lugood iyo 4 gacmood oo Dad Badan Ka Yaabsaday!!

daajis.com:-Laba haween ah oo isku dhegan islamarkaana leh 3 lugood iyo 4 gacmood ayaa waxaa la sheegay inay ka yaabsadeen dadka ku nool dalkaas Hindiya islamarkaana ay ku tilmaameen inay tahay mucjiso rabaani ah. 


Labadaan haweenka ah oo lagu kal magacaabo Ganga iyo Jamuna oo ku dhashay ayaga oo isku dhagen samnadkii 1969 ayaa sidaas ku korey ayagoona wixii ka dambeeyey dhalashadooda ahaa laba qofood oo isku dhegan oo wax walbana wadaaga, haweenkaan ayaa waxaa ilaa yaraantoodii ay ahaayeen kuwo muuqaal uu ilaahay u sameeyey kaga faa'iideysto show ama bandhig ay dadku lacag ku daawadaan oo ay ku soo bandhiganayaan habka y u nool yihiin iyo sida uu yahay nolol maalmoodkooda oo ay u wajahaan waxa ay u baahan yihiin iyadoona ay dadku u soo daawasho tagaan bal inay wax ka ogaadaan nolosha noocaas oo kale ah sida ay tahay. 

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mucjiso rabaani ah ayaa qaar ka mid ah dadka u soo daawasho taga bandhigooda waxay ku tilmaameen inay yihiin gabdhahaan walaalaha ah mujiso rabaani ah, Gabdhahaan isku dhegan ayaa waxaa la sheegay inay yihiin kuwo la qabo iyadoona sanadkii 1993 uu u dhashay gabar laakiins nasiib daro ay gabahdaasi ay geeriyootey saacado yar ka dib markii ay dhalatey, Gabdhahaa isku dhegan ayaa waxay ka mid yihiin mucjisooyinka aduunka ee u baahan in lagu waano qaato. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada