Daawo:- Gabar Mareykan ah oo wacdaro ka dhigtay Arabs Got Talent

Daawo:- Gabar Mareykan ah oo wacdaro ka dhigtay Arabs Got Talent

daajis.com:-Sideey ku suurta galee in qof Ajnabi ah uu ku Heeso Afka Carabiga, waliba uu kula tartamo kagana hor maro kuwii u dhashay?

Aqristayaasheena, waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa, Fanaanada reer Mareykanka ee da'da yar Jennifer graut, oo ku guuleeysatay ineey qeybaha danbe kasoo gaarto Tartan Faneedka "Arabs Got Talent" kaasoo uu qabto Kanaalka Caanka ah ee MBC.

Fanaanadaan u dhalatay Mareeykanka, oo aan wax sal iyo raad toona ku lahayn Afka iyo dhaqanka Carabta, ayaa barnaamijka "Arabs Got Talent", kusoo bandhigtay Hees ay ku qaaday Af-carabi, iyadoo ay si aad ah ugu sacab tumeen Gudiga dhex dhexaadiya Barnaamijkaan iyo Dadkii daawanayay. 

Jennifer graut, oo ku barbaartay kuna dhalatay magaalada Boston ee Dalka Mareeykanka, ayaa mar qura soo jiidatay Indhaha iyo Dareenka Gudiga maamula Barnaamijkaan iyo Dadweynaha, kadib markii ay ku luqeysay qeyb kamid ah Hees ay horay u qaaday Fanaanadii Carbeed ee Caanka ahayd kalthom.

Inkastoo Jennifer graut, ay soo jiidatay Dareenka Gudiga iyo dadweynaha, hadana arinteeda waxay muran iyoo Guux ka dhex abuurtay Bulshada Carabta ee ku tixan Barnaamijkan, iyagoo qaarkood baraha Twitter-ka iyo Faceboobka isku weeydaarsanayay, in Barnaamijkaan uu qaas u yahay Carabta iyo in qof walbaba ay kasoo qeyb gali karto.

Laakiin qaarkood ayaaba taageersan Jennifer graut, maadaama ay ku Heeseeso Af-carbeed, aad ayayna uga heleen una soo dhaweeyeen.

Laakiin Jennifer graut, oo wareysi gaar  siineysay BBC, ayaa sheegtay in markii hore aysan filaneyn in sidaan oo dhan Ihtimaam loo siinayo, ama usoo jiidaneyso Dareenka ka qeyb galayaasha Barnaamijka, waxay sheegtay in ujeedkeeda uusan ahayn ineey muran ka dhex abuurto ka qeyb galka Barnaamijkaan.

"Kaliya waxaan aad u jeclahay Fanka Carabta" ayay tiri Jennifer graut.

Fanka Carabta waa jeclahay:

Jennifer Graut, ayaa sheegtay in jaceylka Fanka Carabta uu sabab u ahaa maqaal laga qoray Fanaanadii Geeriyootay ee reer Carbeed Fairouz, oo ay aqrisatay, waxay sheegtay in markaas wixii ka danbeeyay ay bilaawday ineey dhagaysato Heesaha Fairouz oo ay xifdiso.

Mar la weydiiyay Heesaha ay aadka u jeceshahay, waxay sheegtay ineey aad uga hesho Heesaha "Classic" ah.

Jinnefer, ayaa barashada Heesaha Carabta "Opera vocals" barashadooda bilaawday xiligii ay yareed, waxayna awoodaa ineey ku Heesto Luqadaha kala ah, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Ruushka & Af Isbaanishka.Aqristayaasheena, waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa, Fanaanada reer Mareykanka ee da'da yar Jennifer graut, oo ku guuleeysatay ineey qeybaha danbe kasoo gaarto Tartan Faneedka "Arabs Got Talent" kaasoo uu qabto Kanaalka Caanka ah ee MBC.

Fanaanadaan u dhalatay Mareeykanka, oo aan wax sal iyo raad toona ku lahayn Afka iyo dhaqanka Carabta, ayaa barnaamijka "Arabs Got Talent", kusoo bandhigtay Hees ay ku qaaday Af-carabi, iyadoo ay si aad ah ugu sacab tumeen Gudiga dhex dhexaadiya Barnaamijkaan iyo Dadkii daawanayay. Halkaan ka Daawo Muuqaalka

Jennifer graut, oo ku barbaartay kuna dhalatay magaalada Boston ee Dalka Mareeykanka, ayaa mar qura soo jiidatay Indhaha iyo Dareenka Gudiga maamula Barnaamijkaan iyo Dadweynaha, kadib markii ay ku luqeysay qeyb kamid ah Hees ay horay u qaaday Fanaanadii Carbeed ee Caanka ahayd kalthom.

Inkastoo Jennifer graut, ay soo jiidatay Dareenka Gudiga iyo dadweynaha, hadana arinteeda waxay muran iyoo Guux ka dhex abuurtay Bulshada Carabta ee ku tixan Barnaamijkan, iyagoo qaarkood baraha Twitter-ka iyo Faceboobka isku weeydaarsanayay, in Barnaamijkaan uu qaas u yahay Carabta iyo in qof walbaba ay kasoo qeyb gali karto.

Laakiin qaarkood ayaaba taageersan Jennifer graut, maadaama ay ku Heeseeso Af-carbeed, aad ayayna uga heleen una soo dhaweeyeen.

Laakiin Jennifer graut, oo wareysi gaar  siineysay BBC, ayaa sheegtay in markii hore aysan filaneyn in sidaan oo dhan Ihtimaam loo siinayo, ama usoo jiidaneyso Dareenka ka qeyb galayaasha Barnaamijka, waxay sheegtay in ujeedkeeda uusan ahayn ineey muran ka dhex abuurto ka qeyb galka Barnaamijkaan.

"Kaliya waxaan aad u jeclahay Fanka Carabta" ayay tiri Jennifer graut.

Fanka Carabta waa jeclahay:

Jennifer Graut, ayaa sheegtay in jaceylka Fanka Carabta uu sabab u ahaa maqaal laga qoray Fanaanadii Geeriyootay ee reer Carbeed Fairouz, oo ay aqrisatay, waxay sheegtay in markaas wixii ka danbeeyay ay bilaawday ineey dhagaysato Heesaha Fairouz oo ay xifdiso.

Mar la weydiiyay Heesaha ay aadka u jeceshahay, waxay sheegtay ineey aad uga hesho Heesaha "Classic" ah.

Jinnefer, ayaa barashada Heesaha Carabta "Opera vocals" barashadooda bilaawday xiligii ay yareed, waxayna awoodaa ineey ku Heesto Luqadaha kala ah, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Ruushka & Af Isbaanishka.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada