Daawo Muuqaal:- Ciidamada Sirdoonka Mareykanka oo xabsiga dhigay 11 qofood oo Soomaali ah Maxaa Lagu Xiray!!+Warbixin

Daawo Muuqaal:- Ciidamada Sirdoonka Mareykanka oo xabsiga dhigay 11 qofood oo Soomaali ah Maxaa Lagu Xiray!!+Warbixin

daajis.com:-Ciidamada sirdoonka FBI ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen Soomaali gaareyso ilaa iyo 11 qofood ka dib markii lagu qabtey ka ganacsiga iyo ka shaqeynta qaadka oo dalkaas Mareykanka lala mid dhigay inuu yahay sida daroogada loo yaqaan cocaine. 

Howl gal baaxad weyn oo ay sameeyeen ciidamada FBI ee dalkaas Mareykanka ayaa magaalada Indianapolis ee dalkaas Mareykanka waxay xabsiga dhigeen ilaa iyo 11 qofood oo Soomaali ah iyadoona ay gacanta ku dhigeen qaad ama jaad gaaraayey ilaa iyo 400 kilogram oo lagu qiimaayey inuu suuqa ka joogo lacag gaareyso ilaa iyo 400,000 oo doolarka Mareykanka ah, Soomaalidaan la qabqabtey oo u badan rag tagsiilayaal ah ayaa waxaa la sheegay inay qaadkaas u kala safrin jireen oo ay u suuq geyn jireen magaalooyinka Indianapolis iyo Columbus, Ohio ee dalkaas Mareykanka, Goobihii lagu cuni jirey laguna kala iibsan jirey ayaa gebi ahaan haawanaayo iyadoona ay Soomaalidaas ka kala carareen halkaas cabsi ay ka qabaan in uu soo galo kiis ku saabsan arintaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas xabsiga la dhigay ayaa Jamaal Cali oo ka mid ah Soomaalida ku nool magaaladaas Indianapolis kana ah tagsiile waxaa uu sheegay inaysan Soomaalidaas badankood aqoon u lahayn inuu qaadku uu yahay daroogo la isku xiro dalkaas Mareykanka arintaasna ay keentay in lagu qabto qaadkaas asagoo sidoo kale sheegay in qaar badan oo ka mid ah raga tagsiilayaasha ah ee lagu qabtey qaadkaas ay u isticmaali jireen inay ku shaqeeyaan xilliyada habeenkii, Howard Bernstein oo ah garyaqaan u doodaayo mid ka mid ah Soomaalidaas xabsiga la dhigay ayaa waxaa uu dowlada Mareykanka ku eedeeyey inay wax aan waxba ahayn ay buunbuuninayaan asagoona kula taliyey in waqtiga iyo shaqada la galinaayo qaadka loo adeegsado meelaha ku haboon ee u baahan wax ka qabashada, Soomaalidaan oo qaar ka mid ah lagu xukumay hal sano oo xarig ah ayaa arinta dhibaatada weyn u keeni karta ay tahay maadaama qaar ka mid ah Soomaalidaas aysan lahayn dhalashada dalkaas Marfeykanka iyadoona ay dambigaan oo kale ay dhici karto in Soomaalidaas laga musaafuriyo dalkaas, Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaaladaas ayaa waxay ku doodayaan inuu qaadku uu yahay wax dhaqan iyo hido ay u leeyihiin dadka Soomaaliyeed islamarkaana aan lagu tilmaami karin inuu yahay daroogo oo aan lala mid dhigi karin daroogada Cocaine sida ay dowlada Mareykanku y u aragtu inuu qaadku uu la mid yahay daroogadaas. 



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada