Wasiirka a/gudaha iyo Odayaasha Habar Gidir oo isla meel dhigay arinta Xasan Daahir

Wasiirka a/gudaha iyo Odayaasha Habar Gidir oo isla meel dhigay arinta Xasan Daahir

daajis.com:-Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha Habar Gidir ayaa xalay shir ka yeeshay arnta Sh. Xasan Dahir Aweys oo mudo Shan bil xabsi ugu jira Dowladda Soomaaliya.

Kulanakni oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa kasoo goob joog ka ahaa Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha H/gidir, Siyaasiyiin uu ka mid ahaa Yuusuf Indha-cadde iyo xubno kale, waxaana lagu gorfeeyay qaabka ugu haboon uu xorriyadiisa u heli karo Xasan Dahir.

Wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Odayaasha dhaqanka ugu bishaareeyay in Dowladda ay sii deyneyso Xasan Dahir isla markaana u ogolaaday in uu u duulo magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaasi oo la sheegay in uu ku noolaan doono.

Inkastoo Wasiirka arrimaha gudaha uu sii deysmada Xasan Dahir ku xeray hal shuruud oo ah in ka hor inta uusan u duulin Doha xorriyadiisa loo soo celin doono, lana dejinayo guri ay ka war qabto dowladda, ilaalo gaar ah oo ciidamada dowladdda ka tirsanna ay amaankiisa sugi doonaan, xorna u noqon doono inuu booqdo meeshuu doono.

Arintaasi ayaa odayaasha Habar Gidir ay ku tilmaameen xabsi dadban, walow ay muran ka keeneen, hase ahaatee waxaa loo ballamay 15-ka bishan kulan kale oo la filayo inuu noqon doono midkii lagu sii deyn lahaa Xasan Dahir.


Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Al-shabaab kasoo goostay bishii Juun ee sannadkan, waxaana odayaal iyo xildhibaanno dowladda ka tirsan ay kasoo dajiyeen Sheekh Xasan Daahir garoonka diyaaradaha Muqdisho 29-kii Juun, markaasoo ay dowladdu xabsiga u taxaabtay isaga iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo la socday.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada