Daawo Sawirada:- Afgembi "dhicisoobay" Koonfurta Suudaan

Daawo Sawirada:- Afgembi "dhicisoobay" Koonfurta Suudaan

daajis.com:-Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salfa Kiir ayaa sheegay in militeriga dalkaas uu fashiliyay afgembi uu qabanqaabiyay mid ka mid ragga ay siyaasadda isku hayaan.

Waxaa uu eedda dusha ugu tuuray kuxigeenkiisii hore Riyek Mashaar.
Waxaa uu sheegay in ciidanka ay haatan la wareegeen ammaanka caasimadda ee Juba.
Israsaasayn culus iyo qaraxyo ayaa laga maqlayay caasimadda Koonfurta Suudaan ee Juba.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dagaalka uu u dhexeeyay laba ciidan oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada.
Waxaa uu dagaalka ka socdaa xero militeri oo ay leeyihiin ciidanka ilaalada madaxtooyada.
Afhayeen u hadlay militeriga Koonfurta Suudaan ayaa codsaday "in dadka rayidka ah aanay ka soo bixin guryahooda, ilaa laga ogaanayo sabata dhalisay israsaasaynta,"


Riyek Mashar

Qaramada Midoobay ayaa walwal ka muujisay arrintaas, waxayna ugu baaqday dhamaan dhinacyada halkaas isku hayo inay isxakameeyaan.
Koonfurta Suudaan ayaa xornimadeeda ka qaadatay Suudaan-ta kale sanadkii 2011-ka, kaddib tobanaan sano oo labada dhinac ay dagaallamayeen.
Xiisad ayaa ka aloosnayd dalkaas tan iyo markii uu madaxweyne Salfa Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riyek Mashar.

Qabiilka Nuweer

Mashar ayaa horey u sheegay inuu doonayay inuu Kiir kula tartamo doorashada madaxweynenimo ee la qaban doono sanadka 2015-ka.

Xiisado ayaa ka jiray Koonfurta Suudaan tan iyo markii madaxwene Kiir uu xilka ka qaaday ku xigeenkiisa
Mashar ayaa ka soo jeeda qabiilka Nuweer ee ku eedeeyo qabiilka Kiir ee Dinka inay talada isku koobeen.
Afhayeenka militeriga Aguwer ayaa sheegay inuu ka xun yahay iskahor'imaadka ka dhacay Juba.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada