Daawo Sawirada:- Gabadhii Ugu Horeeysay Oo Caseeya Ah Oo Muqdisho Lagu Arkay

Daawo Sawirada:- Gabadhii Ugu Horeeysay Oo Caseeya Ah Oo Muqdisho Lagu Arkay

daajis.com:-Magalada muqdisho waxa markii ugu horeeysay lagu arkay gabar caseeya ah oo wadooyinka jogta taasi oo dadka kabaha u caseyneysa,

Hadaba Ayaan Maxamed Muuse oo ah gabar da’ yar oo agoon ah ayaa waxa ay noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo noqota Caseeye, waxaana gabadhaani oo aan wareysi la yeelanay ay noo sheegtay in ay shaqadaani ku biirtay kadib markii ka xishootay in ay tuugsato.

Sido kale waxay sheegtay Ayaan in iyada 5 kale oo caruur ah oo ay wada dhasheen ay la noolyihiin hooyadood oo cid ku biisha aysan jirin lacagta ay ka shaqeyso Caseeyanimadana ay dooneyso in ay ku biisho cidooda si ay ugu noolaadaan.

Lakin gabadhan Caseeyaha ah ayaa waxa sheegtay in dhamaan qoyskooda ay ku noolyihiin xarun barakacayaal oo Magaalada Muqdisho ku taalla.

Inkasta oo ay u aheyd maalinteedii ugu horeysay ee Shaqadaani ay gabadhaani guda gasho ayeey hadana sheegtay in ay dhibaata kala kulantay caseeyayaasha kale ee Wiilasha ah kuwaas oo aad ugu diidaya in ay suuqa kusoo biiraan gabdhuhu.

Ugu danbeeyntii ayaan waxa ay sheegtay in ay jeclaan laheyd in ay waxbarato, hadii ay hesho cid ka faalad qaada nolosheeda iyo nolosha qosykeeda ay wax baraneyso inta ka horeysana ay iska sii shaqeesaneyso si ay nolosheeda u dabarto.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada