War Deg Deg Ah:-Dhaqaatiir Ajanabi Ah Oo Goordhweeyd Lagu Laayay Duleedka Magalada Muqdisho

War Deg Deg Ah:-Dhaqaatiir Ajanabi Ah Oo Goordhweeyd Lagu Laayay Duleedka Magalada Muqdisho

daajis.com:-War goor dhow na soo gaaray duleedka magalada muqdisho ayaa sheegaya in Dhaqaatiir Ajnabi oo la rumeysan yahay inay yihiin Carab lagu weeraray deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho halkaasne lagu laayay.

 Warka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay wadada u galeen gaari ay la socdeen dhaqaatiirtan oo wehlisay rag ilaalo u ahaa, iyadoo weerarka uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

 Sido kale goob joogayaal ayaa u sheegay shabakada wararka Www.Aduun24.com in saddex ka mid ah dhaqaatiirta ajnabiga ay ku dhinteen weerarkan, halka mid kale uu baxsaday sidoo kale waxaa iyana ku jira Ilaaladii la socotay oo la sheegay in labo ka mid ah ay dhinteen.

 Warka ayaa inta ku daraya in dhaqaatiirtan Ajnabiga ay ku sii jeeday Isbitaalka Fiqi ee ku yaala deegaanka Siinka Dheer, iyadoo wadada loogu galay inta u dhaxeysa Isbitaalka iyo Siinka Dheer.

Ila wareed muhiim ah ayaa ku waramaya in dhaqaatiirtan la laayay ay kaso jeedaan dalka Suuriya.

Ugu danbeeyntii dableyda weerarka ka dambeysay ayaa baxsaday, iyadoo aan la garan heybtooda, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta wax ka dhaceen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada