Daawo Sawirada:- Kim Jong Un oo Xukun dal dalaad ah ku fuliyey Adeerkiis oo ahaa Nin awood badan

Daawo Sawirada:- Kim Jong Un oo Xukun dal dalaad ah ku fuliyey Adeerkiis oo ahaa Nin awood badan

daajis.com:-Nin adeer u ah Hogaamiyaha Da'da yar ee Waqooyiga Kuuriya ayaa xalay xukun dal dalaad ah lagu fuliyay kadib markii lagu helay Qiyaano qaran iyo in uu qorsheenay in uu afganbi ka sameeyo dalkaasi.

Telefishinta Qaranka dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa baahiyay in la dal dalay Chang Song-thaek kadib markii maalintii shalay Maxkamad Milatari ku xukuntay in si dhaqso badan loogu fuliyo Xukun Dal dalaad ah.

Hogaamiyahan la dal dalay ayaa adeer u ahaa Kim Jong Un Hogaamiyaha ugu sareeya Waqooyiga Kuuriya waxa uuna ahaa ninkan la dal dalay ninka labaad ee ugu awooda badan xukuumada Kuuriyada Waqooyi.

Hogaamiyahan la dal dalay ayaa xilkii uu hayay laga qaaday Todobaadkii hore waxaana lagu eedeeyey inuu qorsheenayey Afgembi lagu sameeyo hogaamiyaha xilka haya ayna ku cadaatay dambigii loo heestay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada