Laacib U Ciyaara Kooxda Liverpool Oo Mushaarkiisii Ugu Horeeyay Xajka Ku Geeyay Aabihiis.

Laacib U Ciyaara Kooxda Liverpool Oo Mushaarkiisii Ugu Horeeyay Xajka Ku Geeyay Aabihiis.

daajis.com:-Laacibka ree France ee kooxda Liverpool Mamadou Sakho ayaa taageerayaashiisa gaar aka ah ee Boggiisa Twitter ka u faray inay su,aalo waydiiyaan isagoona usheegay inuu uga jawaabi doono si saxan wax kasta oo ay waydiiyaan.

Su,aalihii la waydiiyay laacibkaan waxaa ku jirtay waxa uu ku qabtay mushaarkiisii ugu horeeyay ee uu ka qaato kooxda PSG isagoona sheegay inuu aabihiis ku geeyay xajka maadaama uu Muslim yahay.
Sakho ayaa soo qoray: “Mushaarkaygii ugu horeeyay… waxaan ku geeyay aabaheey Maka Al-Mukarama waayo waa Muslim wuxuuna doonaayay inuu soo guto waajibaad ka xajka.”

Laacibkaan 23 jir ka ah ayaa ka qaata haatan kooxda Liverpool mushaar dhan 5.2 milyan oo Euro sanadkii wuxuuna  ku dhashay caasimada France waxaana dhalay aabe Senegal ah, wuxuu kusoo koray nolol faqiirnimo, laacibkaan ayaana ka saaciday xulkiisa inay u soo baxaan Koobka Adduunka kadib markii uu u dhaliyay labo gool taas ayaana kor u sii qaaday sumcada qoyskiisa ee gudaha France.
Sakho ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin ku ad adag diinta Islaamka inkastoo uusan isagu si toos ah u qiran midaas.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada