Dhacdo Layaab Leh:- oo Maanta ka dhacday xaafad ka mid ah magaalada Muqdish.

Dhacdo Layaab Leh:- oo Maanta ka dhacday xaafad ka mid ah magaalada Muqdish.

daajis.com:-Xaflad Nikaax iyo aroosba iskugu jirtay oo saaka ka dhici laheyd xaafada Ex-kontrol ee degmada Hodan ayaa ku dhamaatay weji gabax iyo fashil.

Dhacdadan ayaa qabsatay wiil ka mid ah dhalinyarada degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo xiriir Jaceyl la sameeyey gabar ka soo jeeda qoys ka mid ah barakacayaasha ku nool degaanka Ex-kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Markii la wada socday muddo kooban ka dib ayaa lamaanahan waxay ku heshiiyeen iney aqal galaan, iyadoo ergo ka socotay wiilka ay maalmo ka hor qoyska gabadha u tageen, ayna gudoonsiiyeen lacag gaareysa illaa shan $500 oo loogu talo galay in aroos iyo nikaax lagu sameeyo, waxaana lagu balamay in maanta oo Jimce ah laga dhigo Nikaaxa iyo arooskaba.


Hase ahaatee saaka oo ahaa Jimcihii balanta ayaa waxaa dhacay arin lama filaan ah.

Wiilka lagu nikaaxi lahaa gabadha oo ay hareeraha ka socdeen xubno ka tirsan eheladiisa iyo asxaabtiisa ayaa saaka tagay halkii ay degenayeen qoyska gabadha, hase ahaatee waxaa loo sheegay hadal yaab, Fajac iyo weji gabax ku noqday oo ahaa in gabadha iyo qoyskeedaba ay halkaas ka guureen labo cisho ka hor, aysana jirin cid garaneysa meel ay aadeen.

Wiilka lagu nikaaxi lahaa gabadha oo aad uga naxay arintaas ayaa goobta deg deg uga cararay, iyadoo aan la ogeyn halka uu jaan cirib iyo dhigay ka dib markii ay isugu darsameen gabar la’aan, lacag la’aan iyo ceeb, waxaana tani ay ka mid tahay dhacdooyinka yaabka leh ee mararka qaarkood ka dhaca Muqdisho
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada