Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay sida uu u arko in Baarlamaanka in ay Eryaan R/Wasaare Saacid.

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay sida uu u arko in Baarlamaanka in ay Eryaan R/Wasaare Saacid.

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa goordhaw Shir Jaraa'id waxa uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxa uuna kaga hadlay go'aankii maanta ay Baarlamaanka Kalsoonida kala laabteen Xukuumada R/Wasaare Saacid.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisa Jaraa'id ku soo dhaweeyay go'aankii ay Maanta Baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida kala noqdeen Xukuumada uu Hogaamiyo R/Wasaare Saacid .

Madaxweynaha ayaa guddoonka Baarlamaanka iyo mudanayaasha baarlamaanka ku amaanay go,aanka geesinimada leh oo ay qaateen,waxana uu sheegay in uu go,aankaasi ka turjumayo sida ay u xooganyihiin hay’adaha dimoquraadiga ah ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in R/Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirada ay sii shaqeyn doonaan inta uu kasoo Magacaabayo R/Wasaare Cusub oo isna soo dhisa Xukuumad Tayo leh kana tiro badan tan hada la riday.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in Khilaaf ka fogaadaan waxa uuna Tilmaamay in Khilaaf kasta oo Dowlada ka dhac dhaca lagu kala baxayo Dastuurka Dalka u yaala.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada