Yaye Toure ayaa ku guulaystay tartanka ciyaartoyda Afrika ee abaalgudka BBC ee sanadkan 2013.

Yaye Toure ayaa ku guulaystay tartanka ciyaartoyda Afrika ee abaalgudka BBC ee sanadkan 2013.

daajis.com:-Yaye Toure ayaa ku guulaystay ciyaartoyda Afrika ee abaalgudka BBC ee sanadkan 2013.

Ciyaartoygan oo dhexda uga ciyaara xulka qaranka ee dalka Ivory Coast iyo kooxda Manchester City, oo afartii sannadood ee la soo dhaafay hore loo magacaabay, waxaa uu ka guulaystay sanadkan Pierre-Emerick Aubameyang, Victor Moses, John Mikel Obi iyo Jonathan Pitroipa.
Laacibkan oo 30 jir ah waxaa uu barnaamijka Sport-ga ee BBC-da u sheegay...
Liiska ciyaartoyda isku soo haray lagu soo xulay waxaa ka qayb galay 44 khubaro Afrikaan ah oo qaaradda oo dhan ka kooban, oo iyagu xulashadooda ku saleeyay xirfadda ciyaartoyga, kartidiisa farsamo, wada shaqeynta kooxeed, joogteynta iyo ciyaar wanaagga.


Tiradii ugu badneyd ee taageerayaasha isaga ka hela ayaa markaasi ugu codeeyay Online ama farriin qoraal ah.
Waxaana ay taageerayaashaasi u tixgeliyeen Toure inuu ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa Afrika snadkii hore, iyagoo aqoonsaday awoodda ciyaareed, tallaabada, sida uu u fekero iyo gool dhalinta.
Iyadoo sanadkan 2013 uusan ahayn mid uu Toure koob u qaaday koox naadi iyo koox qaran midnaba, waxaa uu haddana taageerayaasha ku soo jiitay ciyaar wanaaggiisa joogtada ah.
Isagoona ay ku guuldarreysteen inay kooxdiisu difaacato horyaalkii sanadkii hore ee 2012 ay qaadday Manchester City, Toure waxaa uu la soo noqday xoog intii hore ka badan, waxaana uu xataa wax dheeraad ah ku soo kordhiyay ciyaartiisa ee qaabka laadka xorta ah.
Waxaa uu laad xor ah ka dhaliyay Newcastle maalintii ugu horreysay tartanka horyaalka sanadkan, waxaana uu mar kale ku celiyay ciyaartii ay la yeesheen kooxda Hull.
Toure waxaa uu dhaliyay afar laad toos ah ilaa iyo haddaxilli-ciyaareedkan oo guud ahaan goolasha uu kooxdiisa u dhaliyay ay gaarayaan toddoba gool.
Sanadka 2013 waqti xaadirkan, Toure waxaa uu dhaliyay 12 gool oo naadigiisa iyo kooxda qaranka dalkiisa uu u kala dhaliyay, taasoo ah wax aad u heer sarreeya marka la eego ciyaartoy dhexda ka dheela.
Dhammaystirkiisa fiican waxaa uu keenay in kooxdiisu ay hadda kaalinta afaraad kaga jirto kala horreynta kooxaha horyaalka ku tartamaya.
Waxaa kaloo uu kaalin weyn ka qaatay kooxda qaranka dalka Ivory Coast oo u soo baxday tartanka koobka adduunka ee sanadka dambe lagu qaban doono dalka Brazil.
Maroodiyaashu waxay u baahdeen inay iska dhegatiraan guuldarradii ka soo gaartay koobka qaramada Afrika ee horraantii sanadkan, oo rubac dhammaadkii ay reebtay kooxda Nigeria oo ugu dambaystii ku guulaysatay koobkaas, waxaana uu Toure tartankaas ka ahaa qof lagu daydo.
Garoonka dibaddiisa, Toure waxaa uu horseed ka noqday dagaalka lagula jiro cunsuriyadda kaddib markii ay dhibaatooyin ka soo gaareen xadgudubyo loo geystay intii ay socotay ciyaar ka tirsan horyaalka Yurub oo kooxdiisu ay kula yeelatay magaalada Moscow kooxda CSKA ee waddanka Ruush-ka bishii Oktoobar, isagoo muujiyay shakhsiyad xooggan oo la mid ah kartidiisa ciyaareed.
Aflagaadada loo geystay waxay saameyn karaysay ciyaartoyda yaryar, hase ahaatee Toure waxaa uu ahaa mid aad u wanaagsan wixii dhacdadaas ka dambeeyay.
Waxaana sanadkii shanaad oo xiriir ah loo magacaabay ciyaartoyga ugu fiican Afrika ee abaalgudka BBC, Toure waxaa ugu dambaystii loogu codeeyay inuu yahay ciyaargyga ugu wanaagsan qaaradda Afrika.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada