Daawo Sawirada:- Qaabkii uu Maanta u dhacay Aaskii loo sameenayay Nelson Mandela.

Daawo Sawirada:- Qaabkii uu Maanta u dhacay Aaskii loo sameenayay Nelson Mandela.

daajis.com:-Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela lagu aasay deegaanka uu kasoo jeedo Qunu oo katirsan Gobolka Eastern Cape, saacada marka ay ku beegneyd 12.40pm .

Kahor Inta aan la aasin Nelson Mandela waxaa la qabtay munaasabad aad u balaaran oo ay ka qeyb galeen dad gaaraya ilaa 4,500 oo isugu jira marti sharaf madaxda dalka,qoyska Mandela iyo hogaamiyayaal dhaqameed.

Waxaana halkaasi khudbado kasoo jeediyey Hogaamiyaha Dhaqanka ee qabiilka uu ka dhashay Mandela oo raali gelin ka siiyey Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma in shacabka ku buuqeen xuskii todobaadkii hore ka dhacay istadiyumka magaalada Johanesburg.

Madaxda Beesha dhaqanka uu mandela kaso jeeda ayaa yiri"Arrintaasi waxay ceeb ku ahayd shacabka iyo wadanka Koonfur afrika, mana aha wax uu jeclaan lahaa Mandela inuu arko inagOo ku orineeyna madaxweynaha dalka Jacob zuma.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xubno kamid ah Qoyska Mandela iyo waliba saaxiibkiisii Axmed Katadrah oo ay muddo 26 sano ah kuwada xirnaayeen Xabsiga jasiirada Robben.

Raysalwasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ah Madaxda Midowga Afrika, isagoo sheegay in Nelson Mandela uu meel weyn uga yaal dhamaan shacabka Qaarada Afrika, isagoo soo hadal qaaday xiligii Mandela uu tababarka kusoo qaatay wadanka ethobia muddo 6 bilood ah wakhtigaasi oo ay ururka ANC uu bilaabayey jabhadii la dagaalameysay xukumadii Cadaanka koonfurta Afrika ka talin jiray.

Madaxda goobta ka hadashay Madaxweynaha dalka Malawi Joyce Banda oo xiligan ah Madaxa ururka dhaqaalaha ee wadamada Koonfurta Afrika iyo Madaxweynaha Wadanka Tanzania Jakaya Kikwete, dalka Tanzania ayaa ahaa wadankii ugu horeeyey oo Basboor siiyey Mandela xiligii uu tababarka militari u aaday wadanka Itoobiya.

Wadanka Tanzania ayaa sidoo kale ahaa wadankii Raadiyaha u sameeyey jabhadii ANC ee la dagaalameysay gumeystayaashii heystay dalka Koonfur Afrika..

Waxaa gebagebadii xuskan aaska Mandela ka hadlay Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.
Dhinac kale meydka nelson Mandela ayaa loo qaaday qabrigii lagu aasi lahaa oo ku yaal dhulka ay reerkiisa ku leeyihiin tuulada aaska ka dhacayo waxaana galbinayey naxashka meydka oo Madfac la dulsaaray ciidamada Qalbka sida.

Goobtaasi ayaa laga riday 21 madfac iyadoo diyaaradaha ciidamada Koonfur Afrika ay halkaasi dulmareen taasi oo astaan u ahayd salaan sharaftii ugu danbeysay ee la siinayey Hogaamiyaha geeriyooday.

Ugu danbeeyntii waxa la filayaa in halkaasi ay kasii socdaan xusaska iyo dabaal dagyada lo sameeynayo halgamaagii Koonfur Afrika Nelson Mandela oo maanta si rasmi ah lo aasay.







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada