Guddiyada Baarlamaanka oo ka shiray xiliga R/wasaaraha uu hor imaanayo

Guddiyada Baarlamaanka oo ka shiray xiliga R/wasaaraha uu hor imaanayo

daajis.com:-Kulan ay maanta yeeshen guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya,ayaa waxaa looga dooday qoddobo dhoor ah oo ay ka mid yihiin xilliga ugu haboon ee Baarlamaanka uu hor imaanayo R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Ajandayaasha looga hadlayay kulanka oo mudo saacado ah qaatay ayaa ahaa ilaa afar qodob oo kala ahaa waqtiga ugu haboon ee Ra’iisul wasaaraha cusub la horkeeni karo baarlamaanka Soomaaliya, dhamaystirka howlaha horyaala baarlamaanka ee ah kalfadhigii sedexeed ee 2013, hiigsiga sanadka 2014 iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka cusub.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta qaranka lahadlay xoghayaha joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Aadan Buux oo ka warbiyay kulankooda iyo waxyaabihii ka soo baxay ayaa yiri
Arrimaha ay guddiyada ka dooden maanta waxaa qeyb ka ahaa ilaa afar qoddob oo kala ahaa waqtiga ugu haboon ee R/wasaaraha cusub la horkeeni karo baarlamaanka Soomaaliya, dhamaystirka howlaha horyaala baarlamaanka ee ah kalfadhigii seddexeed ee 2013, hiigsiga sanadka 2014 iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka cusub.

C/kariin Xaaji Aadan Buux,oo ah xog-hayaha joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda ugu waramay shirka u furmay guddiyada baarlamaanka ee muddada saacadaha ah qaatay,
"Kulanka waxaa diiradd lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen Shintirka oo ah kalanederka uu baarlamaanka ku shaqeeyo oo ay ku qorantahay waxa uu barlaamka qabanayo ilaa dhamadka sanadka 2014 qodobka labad ayaa waxa looga hadlay kalfadhiga sedexaad, muddeynta ansixinta xukuumadda cusub, Ansixinta miisaaniyadda sanadka 2014-ka Dhameystirka hindise sharciyeedka golaha horyaala mudada gaaban ee kalfadhiga uga harsan",ayuu yiri C/kariin Xaaji Aadan Buux.



Shirka dhexmaray guddiyada baarlamaanka Soomaaliya uu ka kooban yahay waxaa uu imaanaya xilli dhawaan lugu wadda in baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida u qaadan raysul wasaaraha la soo magacaabay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada