Daawo Sawirada :- Saacid oo maanta Xafiiska ku wareejiyay Ra’iisal Wasaare C/weli iyo Madaxwayne Xasan Sheekh oo wax ka saxiixay

Daawo Sawirada :- Saacid oo maanta Xafiiska ku wareejiyay Ra’iisal Wasaare C/weli iyo Madaxwayne Xasan Sheekh oo wax ka saxiixay

daajis.com:-MUnaasabad ay xilka kula kala wareegayeen r/wasaaraha cusub ee xukuumadda federalka iyo kii hore ayaa waxa ay maanta ka dhacday xafiilka r/wasaaraha ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo dhamaaan golaha wasiirada ee xukuumadda.

R/wasaaraha xilka lagala wareegay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay qabteen howlo badan, waxaana uu ugu hambalyeeyay r/wasaaraha cusub xilka islamarkaana ay kasii ambaqaadaan halka ay soo gaarsiiyeen.

Mr. C/weli, r/wasaaraha cusub oo isna hadlay ayaa uga mahadceliyay r/wasaarihii hore shaqada ay soo qabteen, waxaana uu balan qaaday in uu soo dhisi doono gole wasiiro oo tayo leh islamarkaana ahmiyad siinaya dadta dalka iyo dadka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha uu munaasabadda ka hadlay ayaa amaan u jeediyay xukuumaddii hore, waxaana uu ku baaqay in r/wasaaraha cusub lala garab istaago taageero si uu u guto howshiisa.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada