Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo qiray in degmooyinka qaar loo degi la'yahay amaan daro awgeed..

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo qiray in degmooyinka qaar loo degi la'yahay amaan daro awgeed..

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa xaqiijiyay in degmooyinka qaar loo degi la'yahay amaan daro, isagoo eedeyn dusha ugu tuuray Mas'uuliyiinta dowladda.

Tarsan oo shalay markii u horeysay booqday degmada Dayniile tan iyo markii saddex sano ka hor loo magacaabay xilka Gobolka Banaadir ayaa isla bar bar dhigay farqiga u dhaxeeya degmada Dayniile iyo degmooyinka kale, waxaana uu tilmaamay in guryaha degmada Dayniile ay ka raqiisan yihiin degmooyinka kale.

Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka degmada Dayniile ee isugu jira hooyooyinka, dhalinyarada iyo odayaasha inay nabada ka shaqeeyaan oo ay iska reebaan cabsida loo dhajiyay ee ah in degmada Dayniile ay degan yihiin Al-Shabaab.

"Muxuu dhulkiina la banaan yahay ma adinka deris xumo leh mise wax kale jirta, maxaa ku dhacay dhulkiina maxaa loo dhisan la'yahay, maxaa loo iibsan la'yahay, aniga hal asbaab ogahay oo ah in kuwa dhiiga dadka baneystay ee ka soo horjeeda nolosha bani'aadamka ayaa waxaa suuqa la idin geliyay halkan saldhig u tahay"ayuu yiri Tarsan.

"Waxaa aad uga naxay markii la ii sheegay guri Laami ku yaala oo ayaa jooga 5-kun doolar oo Dayniile ku yaal, halka guri ku yaal wadada Maka Al-Mukarama inuu joogo Hal Milyan waa wax aad loola yaabo"ayuu sii raaciyay hadalkiisa Gudoomiye Tarsan.

Mr Tarsan ayaa ugu baqay Wasiirada cusub ee Xukuumada la soo dhisi doono inay dhex degaan shacabka, gaar ahaan degmooyinka oo dhan Gobolka Banaadir, si ay meesha uga baxdo degmooyinka aan la degin ee xaga ammaanka awgeed loo degi la'yahay.

"Wasiiradii ayaa dhex dega xarunta madaxtooyada, wasiir aan shacabka dhex degeyn ma ahan wasiir waa keligiis taliye, hada waxaa maqalnay in 25-wasiiro la soo magacaabayo waa in Wasiirada imaan doona la dejiyo degmooyinka oo dhan"ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Mas'uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada ayaa degan xeyndaabka Madaxtooyada iyo Hotelo ku yaal wadada Maka Al-Mukarama, halkaasoo aad loo ilaaliyo, halka degmooyinka qaar ay banaan yihiin oo sababo ammaan loo degi la'yahay, waxaana taasi keentay in degmooyinka Gobolka Banaadir ay kala qiimo noqdaan, isla markaana qiimaha guryaha uu noqdo kuwo kala sareeya hadba degmooyinka ugu ammaanka roon.

Degmooyinka Dayniile, Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa ah kuwo ay calaamado saaran yihiin oo ay ka jiraan cabsi xaga ammaan, isla markaana mas'uuliyiinta dowladda, shaqaalaha wasaaradaha iyo saraakiisha ciidamada ay wada degi la'yihiin, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay degmooyinkaas ka dhacaan weeraro lagu qaado saldhigyada ciidamada dowladda ku leeyihiin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada