Waxaa La'ogaadey:- Seddex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Caawa Kooxaha Man City Iyo Liverpool.

Waxaa La'ogaadey:- Seddex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Caawa Kooxaha Man City Iyo Liverpool.

daajis.com:-Manchester City ayaa martigelineysa maanta Liverpool iyadoo kulankaan ka dhacaya Etihad Stadium uu yahay kan ugu weyn ee kulamada maanta la ciyaarayo, waxaana eegi doonaa seddex waxyaabood oo fure u noqon doona guusha ama guuldarada labada kooxood:

Vincent Kompany v Luis Suarez
Ma ahan shaqo lagu degdego waqtigaan la joogo kubada cagta adduunka, laakiin Vincent Kompany ayaa loo xilsaari doonaa inuu la macaamilo weeraryahanka Liverpool Luis Suarez. Xiddiga reer Uruguay ayaa dhaliyay 19 gool 12 kulan uu xilli ciyaareedkan saftay horyaalka, iyadoo 10 ka mid ah uu dhaliyay kaliya bishaan December. Ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan celcelis ahaan waxa uu shabaqa soo taabtay 57 daqiiqo kasta, halka marka la fiiriyo kaliya December ay u soo dhaceyso gool uu dhaliyay 45 daqiiqo kasta.
Suarez ayaa goolashiisa Premier League waxa uu sidoo kale ku darsaday darbooyin, isagoo xilli ciyaareedkan tuuray 64 darbo oo boqolkiiba 66 ay ahaayeen kuwa goolka ku abaaran.

Kabtanka City ayaana waqtigiisa fasaxa ee shalayto ku qaatay ka walwalida Suarez isagoo dhawaan ka soo laabtay dhaawac islamarkaana ciyaaray afartii kulan ee ugu danbeysay. City shabaqa ma aysan ilaashanin midkoodna afartaas kulan, haddii ay doonayaana inay shabaqa ilaashadaan maanta shaqadaas waxaa fure u ah kabtan Kompany.
Xilli ciyaareedkii hore waxa uu sameeyya 43 taakal oo boqolkiiba 80 ay ahaayeen kuwa uu ku guuleystay kubada. Liverpool ayaana ku duceysaneysa in Suarez uu ahaado sidii uu ahaa isbuucyadii u danbeysay madaama uu wajahayo Kompany kaasoo sidoo kale ay cajiib tahay inuu xilli ciyaareedkaan ku guuleystay boqolkiiba 75 kubadaha madaxa ah ee uu u dagaalamay.
Samir Nasri v Glen Johnson
Dhanka kale ee garoonka, Samir Nasri ayaa noqon kara ninka furaha u ah Manchester City. Xiddiga reer France ayaa abuuray 40 fursadood xilli ciyaareedkan, taasoo ay u sii dheer tahay afar gool uu dhaliyay. Waxa uu abuuray todoba fursadood kaliya hal kulan uu ka horyimid kooxdiisii hore Arsenal, waxaana uu ka mid yahay xiddigaha ay City ku duuleyso xilli ciyaareedkan.
Tayadiisa weerar ee dhanka bidix ayaa muhiimad weyn u noqon doonta Sky Blues madaama uu dhaawac kaga maqan yahay gooldhaliyahooda halista ah Sergio Aguero.
Sida caadiga ah waxa uu Nasri ka xamaashaa garabka bidix, laakiin awooda uu u leeyahay inuu boos ka raadsado dhexda ayaa ka dhigeysa in daafaca Liverpool ay ahaadaan kuwa feejigan had iyo jeer. Kulankii uu ka horyimid Arsenal ayaana muujinayay in Samir Nasri uu weerar ka soo qaaday dhinac walba oo garoonka ah, Glen Johnson ayaana ku qasban inuu diirada saaro oo uu xiriir fiican la yeesho daafacyadiisa dhexe.
Inkastoo sannado ka hor aan Johnson lala xiriirin jirin tayada uu haatan leeyahay, hadana awoodiisa difaacasho ayuu horumar ku sameeyay xilli ciyaareedyadii u danbeysay. Waxa uu ku guuleystay boqolkiiba 60 taakaladii uu sameeyay xilli ciyaareedkan wadar ahaana waa 27. Waxaana ay taasi ka dhigeysaa inuu sameeyay taakalo ka badan inta ay sameeyeen ciyaartoyda kale ee daafaca uga ciyaarta Liverpool inkastoo Johnson uu muddo xitaa dhaawac ku maqnaa.
Fernandinho v Jordan Henderson
Marka laga soo tago Suarez, Jordan Henderson ayaa ahaa ciyaaryahanka kale ee ka dhex muuqday Liverpool isbuucyadii u danbeysay. Waxaana uu u buuxiyay Liverpool booskii uu ka dhaawacmay kabtan Steven Gerrard, Henderson ayaana xilli ciyaareedkan ku riyaaqaya qaab ciyaareed fiican.
Fernandinho ayaa isna sidoo kale ismuujiyay bishaan December, kulanka caawana waxaa go’aansan doona midkood labadaan khadka dhexe ee qaab ciyaareedka fiican ku jirta. Henderson ayaa xiddiga garoonka ahaa kulankii ay Liverpool ka badisay Tottenham mar sii horeysay bishaan, isagoo dhameystiray 58 ka mid ah 63 baas uu isku dayay, waxaana uu dhaliyay gool isagoo asxaabtiisa u abuuray afar fursadood.
Dhigiisa reer Brazil Fernandinho ayaa isna sidoo kale wacdarro dhigay kulankii ay kooxdiisa 6-3 ku xasuuqday Arsenal, isagoo ahaa xiddiga garoonka. Marka laga soo tago inuu kulankaas labo gool dhaliyay, waxa uu sidoo kale sameeyay sideed talaabo oo difaacasho fantastik ah . Iska horimaadka labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee ku jira qaab ciyaareedka fiican ayaa ka dhigeysa kulanka maanta inuu yahay kulanka ugu weyn Boxing Day.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada