Dowlada oo Shaaca ka qaaday guri kuyaala Muqdisho hadii Shabaab lagu qabto in la duminayo lagana dhigayo Musqulo

Dowlada oo Shaaca ka qaaday guri kuyaala Muqdisho hadii Shabaab lagu qabto in la duminayo lagana dhigayo Musqulo

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo goordhaw hadal ka jeediyay kulan lagu qabtay Xarunta Gobolka oo lagu soo bandhigay waxyaabaha Maamulka u qabsoomay sanadkii tagay iyo waxa la qabanayo sanadka soo aadan ayaa digniin Culus u diray dadka dagan Magaalada Muqdisho.

Tarsan ayaa sheegay in Magaalada ay joogaan rag katirsan AL-Shabaab ayna kasoo toosaan xaafado katirsan Magaalada si ay falal amaan daro magaalada uga fuliyaan sidaa darteedna ay go'aansadeen in tilaabo adag laga qaado dadka iska leh guryaha ay Magaalada ka joogaan.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa ku hanjabay in labur burin doono dhulkana la dhigi doono Gurigii kuyaala Magaalada Muqdisho oo lagu arko Qof Shabaab katirsan ama lagu soo qabto hub Sharci daro ah oo halkaasi yaala.

'' Dadka Reer Muqdisho waxaan uga digeynaa in aysoo dhaweestaan Al-Shabaab iyo kuwa nabad diidka ah , hadii guri kuyaalo Muqdisho lagu qabto dad Shabaab katirsan ama Hub laga helo waa la bur burinayaa waxaana booskaasi laga dhisayaa Jardiino ama Musqulo '' ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili Dowlada Soomaaliya marar kala duwan ku hanjabtay in gurigii lagu qabto Shabaab ama hub in lala wareegayo hasa ahaatee wali ma muuqato wax arintaasi ka suurto galay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada