Daawo Sawirada:- Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka qeybgaleysa Horyaalka cayaaraha Qaboobaha aduunka 2014

Daawo Sawirada:- Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka qeybgaleysa Horyaalka cayaaraha Qaboobaha aduunka 2014

daajis.com:-Magaalada Borlänge ee dalka Sweden ayaa lagu tababarayaa koox dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo bilihii la soo dhaafay la barayey cayaaraha dhulalka qaboobaha Bandy, iyaga oo ka qeybgali doono tartanka hoyaalka ciyaaraha qaboobaha 2014 ee ka dhici doono dalka Ruushka .

Mr, Mursal Ciise oo kaashanaya  Patrik Andersson ayaa bilaabay qorshaha sameynta barnaamijkan maadaama dhalinyarada Soomaaliyeed loo arkay in ay kaalin mug leh  ka qaadan karaan barnaamijyada horumarineed iyo is dhexgalka.

Barnaamijkan waxaa door weyn ka qaatay ninka tababaraha kooxdan oo ah nin Sweden caan ka ah oo la yiraahdo Per Fosshaug oo billado dahab ah oo caalami ah u qaaday, waxaana kaaliye u ah Mr. Cusmaan Xasan oo runtii u dhabar adeygay inta ay tababarka ku jiraan

Ciyaartoydan waxay ka qayb gelayaan Tartanka Horyaalka Ciyaaraha Adduunka ee Qaboobaha 2014ka oo lagu qabanayo magaalada Irkutsk ee dalka Ruushka inta u dhexeysa 27ka janaayo ila 2da bisha feberaayo 2014, iyagoo matalaya Qaranka Soomaaliyeed, waana markii ugu horreysay oo koox ajnabi ah ama Afrikaan ah ay ka qayb galaan tartan noocan ah.


” Runti waa wax lagu farxo in ay na matalaan ciyaartoy waddanka ku cusub, iyadoo ay joogaan dhallinyaro ku dhalatay qurbaha ama ku koray, waxayna fureen waddo cusub oo mudan in lagu dhiirado sidasi waxaa yiri Mr Sabriye Gaaboow oo ka qeybgalay daawashada cayaar tijaabo ah oo lagu qabtay Magaalada Borlange ee Dalka Sweden isla markaana ah halka lagu diyaariyey  kooxdan ku cayaari doonto magaca Soomaaliyeed.

Photo by Said Ali
Stockholm Sweden




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada