DAAWO SAWIRRO:- Ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Q/Midoobey oo saxiixay buugga tacsida Mandela

DAAWO SAWIRRO:- Ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Q/Midoobey oo saxiixay buugga tacsida Mandela

daajis.com:-Ergeyga joogtada dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobey xarunta New York Danjire Dr. Elmi Ahmed Duale ayaa saxiixay maanta buugga tacsida Madaxweynihii hore ee South Africa Nelson Mandela oo ku geeriyooday wadankaasi 5-tii bishan December . 

Dr. Elmi Duale ayaa ka qeyb ah Ergada joogtada ah ee ka howlgasha Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York, kuwaa oo bilaabay saxiixidda buugga tacsida Mandela. 
Nelson Mandela oo ku geeriyooday da’da 95 sano-jir ayaa waxa uu ahaa halgamaa ka soo horjeeday nidaamkii midab takoorka ee dalkaasi soo xukumay , isagoo noqday madaxweynaha South Africa intii u dhaxeysay sanadihii 1994-1999. 
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah gaarsiisay todobaadkan dowladda South Africa, taasoo ay ku muujisay dareenka naxdinta iyo murugada leh ee  dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagayaan dowladda iyo shacabka South Africa . 


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada