War Deg Deg ah :Madaxwayne Xasan Shiikh oo Maanta ku Dhawaaqayo Rasul Wasaaraha Cusub.

War Deg Deg ah :Madaxwayne Xasan Shiikh oo Maanta ku Dhawaaqayo Rasul Wasaaraha Cusub.

daajis.com:-Waxaa la filayaa in Maanta saacada Muqdisho marka ay tahay 10 ka subaxnimo uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ku dhawaaqo Raysal wasaraha cusub, oo badalaya Mudane Cabdi Faarax garaad Shirdoon Saacid oo dhowan asaga iyo xukuumadiisa ay baalmaanku kalsoonida kala laabteen.

Warar aan ka soo xiganay ilo ku dhaw dhow xafiiska Madaxtooyada oo aan doonayn in lasoo xigto magacooda ayaa Shabakadda Allbanaadir.com u xaqiijiyey in xilka Raysal wasaraha loo magacaabi doono Dr. Cabdi Wali Shiikh Axmed oo ah aqoonyahan kasoo jeeda gobolka Gedo.

Dr. Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka midyahay inka badan tobaneeyo murashax oo xilkan isu soo sharaxdey, waxaana uu madaxweyne Xasan Shiikh u arkay inuu yahay ninka ugu miisanka culus xagga aqoonta iyo khibradaha shaqo maadama sadexda sano ee soo socta la doomnayo in lagu tilaabsado howla lixaad leh.

Cabdi Wali waa 54 afar jir, waxaana uu sanadkii 1959 ku dhashay magalada Baar dheere, waxaana dhalay sheekh Axmed Baar dheere oo ah sheekh caan ka ah deegaankaas kuna caan baxay faafinta diinta Islaamka.

Raysal wasaraha cusub Cabdi wali waxaa uu cilmiga dhaqaalaha ka haystaa shahadada PHD da, wuxuuna wax ku bartay Dalaka Soomaaliya iyo Canada, isla markaasna waxaa uu kasoo shaqeyey meelo farabadan, isagoo xiligii dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Maxamed Siyaad barre noqdey agaasimihii wakaalada suuq geynta xoolaha. 

Sidoo Kale Waxaa uu kasoo shaqeyey hay,ado badan oo ay ka midyihiin hayƦadda qaramada midoobay ee FOA iyo bankiga islaamka oo hadda ka shaqaynayey. 

Wixii Warar ah ee ku Saabsan Arimahaan Kala Soco Wararkayna Danbo Insha Allah .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada