Khilaaf Xoogan oo soo kala Dhax galay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Aadan Madoobe .

Khilaaf Xoogan oo soo kala Dhax galay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Aadan Madoobe .

daajis.com:-Warar aan helnay ayaa sheegaya in durba uu soo banaan baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Xubno hurmuud u ah maamul usameynta Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo xiligan dhisidiisu ay kasocoto Magaalada Baydhabo.

Khilaafka ayaa u dhaxeeya Gudoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Aadan Madoowe kuwaa oo isku khilaafsan qaabka loo dhisayo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isagu qaba in Maamulka laga sameenayo Magaalaa Baydhabo kaliya ay noqdaan ilaa Sadax Gobol oo kala ah Baay , Bakool iyo Sha/Hoose halka Sheekh Aadan Madoobe iyo Xubno kale iyana qabaan in Maamulka ka koobnaado ilaa 6-Gobol.

Odayaasha dhaqanka ee kusugan Magaalada Baydhabo ayaa iyagu soo kala dhax galay khilaafka soo kala dhax galay Xildhibaanada kusugan Magaalada Baydhabo ee isku haya qaabka maamulka loo dhisayo.

Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka ee ku howlan Maamul u sameynta Gobolada Koonfuradeed ayaa sheegay in la xaliyay khilaafka soo kala dhax galay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Aadan Madoobe .

Nabadoonkan ayaa tilmaamay in Odayaasha fadhi ay yeesheen kadib ay go'aan ka gaareen labada Nin ee la isku heesto ayna Odayaasha taageereen in Maamulka loo sameeyo ilaa 6-Gobol oo kuyaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dad badan ayaa isweediinaya sida ay suurtogal kunoqoneyso in Magaalada Baydhabo lagu dhiso Maamul Goboleed Lix gobol ka kooban iyadoo la ogyahay in Sadax kamid ah Goboladaasi uu hada ka jiro Maamul la aqoonsan yahay oo lagu Magacaabo Jubba.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada