DAAWO SAWIRRO:- Qaraxii Nairobi ka dhacay oo Afar qof ku dhinteen

DAAWO SAWIRRO:- Qaraxii Nairobi ka dhacay oo Afar qof ku dhinteen

daajis.com:-Qarax lala beegsaday gaari nooca kuwa dadweynaha lala beegsaday ayaa ku dhimatay ugu yaraan afar qof in ka badan 25 qofna way ku dhaawacmeen. gaarigan oo dad rakaab ah waday ayaa wuxuu ka yimid bartamaha magaalada nairobi, wuxuuna kusii jeeday xaafada ay Soomaalida degto ee Eastleigh.

Xili uu marayay meel u dhow saldhigga booliska ee Pangani ee magaalada Nairobi ayaa la maqlay qarax xooggan, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan nooca qaraxa uu ahaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa nooca bambada gacanta laga tuuro, halka warar kale ay sheegayaan in waxyaabo qarxa oo gaariga saarnaa ay qarxeen, laakiin si cad looma hubo.

Booliska Nairobi ayaa sheegay in 20 qof la dhigay isbitaallo kala duwan oo ku yaalla magaalada.
Madaxa booliska Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in qaraxa uu burburiyay gaariga iyo shan gaari oo kale oo hareeraha ka marayay.







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada