Daawo Video:- Iyo Cadeen loo helay wada dhalashada Ikraan Caraale iyo Falis Cabdi

Daawo Video:- Iyo Cadeen loo helay wada dhalashada Ikraan Caraale iyo Falis Cabdi

daajis.com:-Fanaaniin ka mid ah kuwa ugu magaca dheer jiilka fanaaniinta dambe islamarkaasna lagu xusuusto in uu dhex maray dagaal fanneedkii ugu xiisa badnaa sanadihii la soo dhaafay ayaa si lama filaan ah isugu soo dhawaaday oo la leeyahay uu ka dhexeeyaa waxa ugu muhiimsan uguna fiican ee labo qof ka dhexeeya.

Labadaan Fanaan oo kala ah Falis Cabdi iyo Ikraan Caraale oo maalmahaanba la hadal hayay in ay walaalo yihiin ayaa ugu dambeyn waxaa la maqlay codka haweeney la sheegay in ay tahay eedadood oo cadeynaysa in labada gabdhood ay wada dhasheen oo uu dhalay Allaha U naxariistee Maxamaed Caraale oo ka mid ahaa Fannaaniintii hore Soomaaliya.

Inkastoo ka daajis ahaan aanan si dhab ah idinku xaqiijin karin hadana marka aad dhageysataan wareysiga lala yeeshay haweeneydaan waxaa idin muuqanaysa in ay suuragal tahay sheegashadeeda ah in labada gabdhood ee Fanaaniinta ah ay wada dhasheen.

Waxaa ay leedahay in Falis oo ka weyn walaasheed Ikraan sida ay warka u dhigtay ay kala lumeen hooyadeed xili ay aad u yareyn oo ah markii ay socdeen dagaaladii gobolada loo yaqaanay waqooyi galbeed ee hada la baxay Somaliland ee 1988 dii.

Waxa ay intaasi ku dartay  in ay isku dayday xiriir ay kula hadasho gabdheeda Falis cabdi balse aysan u suuragalin hase ahaatee ay la hadashay odaygeeda Shiina Aqyaar oo 
lafsad ahaantiisa u sheegay in warkaas uu maqlay balse uusan haynin wax xaqiiq ah.

Si kastay ahaataba waxaa macquul ah in ay wada dhasheen labada gabdhood ee horey ugu dagaalamay fanka, isna dhaafsaday heeso xiisa badan, iyadoo hibada fanka ee ka muuqata ay ka keeneyn fanaaniinkii weynaa ee dhalay ee Maxamed Caraale.


xiggasho: filmsheeg




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada