DAAWO VIDEO:- Taallada Sayid Maxamed Cabdulle ee Jigjiga laga taagay

DAAWO VIDEO:- Taallada Sayid Maxamed Cabdulle ee Jigjiga laga taagay

daajis.com:-Waxaa dhawaan bartamaha magaalada Jigjiga laga taagay Taallo loo sameeyay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan in lagu xasuusto, hase ahaatee taasi ay dad badan iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo u dhashay Soomaaliya iyo Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay geliyeen su'aal, taaladaasi laga taagay jigjigo.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ka mid yahay halyeeyadii gumeysi la dirirka ee Taariikhdda Soomaaliya baal dahab ah ka galay, waxaana ay arintani ay dhalisay su'aallooyin badan in la iska weydiiyo.

Taalladan cusub ayaa waxay aad u shabahdaa tii hore ee magaalada Muqdisho ka dhisneyd, taasoo ka mid noqotay waxyaabihii taariikhiga ahaa ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Taalladii hore ee Dowladdii Soomaaliya u sameysay Sayidka in lagu xasuusto ayaa dagaaladdii ka dhacay dalka ay ku burburtay, kana mid noqotay taallooyinkii la bililiqeystay, maadaama ay aheyd mid ka sameysan maar.

Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa horay u sheegay in ay wadaan qorshe lagu baarayo xabaalaha ama qabriga uu ku aasan yahay Sayid Maxamed si ay ula soo baxaan qalfooftiisa, wadadaasina loo marayo qaabka baarista casriga ah ee DNA.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA TAALLADA CUSUB EE SAYIDKA

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada