Madaxtooyada Somalia oo Mashquul badan laga dareemayo Musharixiin badan oo lagu arkay iyo go'aanka Madaxweynaha oo la sugayo

Madaxtooyada Somalia oo Mashquul badan laga dareemayo Musharixiin badan oo lagu arkay iyo go'aanka Madaxweynaha oo la sugayo

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii laso dhaafay laga dareemayay mashquul badan oo ku aadan magacaabista Ra'izul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Xarunta Madaxtooyada ayaa lagu arkay xubno badan oo u sharaxan qabashada Xilka Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya kuwaa oo dadaal ugu jira hanashada jagadaasi , waxaana la sugayaa go'aanka ugu dambeeya uu madaxweynaha ku xusho shaqsiga noqonaya R/Wasaaraha Cusub.

Madaxweynaha ayaa kulamo hoose la qaatay qaar kamid ah xubnaha ugu cad cad ee laga yaabo in Midkood loo Magacaabo R/Wasaaraha kuwaa uu ka wareestay qaabka ay u doonayaan qabashada xilka iyo waxyaabo badan oo hor yaala shaqsiga la magacaabayo.

Wali si rasmi ah looma oga cida noqoneysa R/Wasaaraha Soomaaliya ay u sharaxan yihiin xubno dhoor ah oo dhamaan kasoo jeeda Beesha Daarood, waxaana la saadaalinayaa in Madaxweynaha uu xulan doono shaqsiga kasoo jeeda Beesha Daarood , Mareexaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo la taliyayaashiisa ayaa gabo gabo u mareysaa wadatashiyada ay ka yeelanayaan Shakhsiga loo xulanayo in R/Wasaare loo Magacaabo , waxaana warar aan helnay sheegayaan in qofka loo xulanayo jagadaasi ay horyaalaan shuruudo badan oo qaarkood adagyihiin.

Saacadaha iyo maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu soo Magacaabo R/Wasaaraha Soomaaliya ee badalaya Cabdi Faarax Sheyrdoon oo todobaadkii hore Xukuumada uu hogaamiyo kalsoonida Baarlamaanka weysay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada